Published:

Musharixiintii is bahaysatay ee kulmiye labadii wiig ee ay mucaaridka ahaayeen wax badan baa u kordhay. Waxay barteen sida loola hadlo dadwaynaha ay ka sugayaan taageero. Waxay ogaadeen in qaddiyadda Somaliland iyo degenaanshaha iyo nabadda dalku ka wayn tahay kursiga ay doonayaan. In aniga, shicib ahaan, dantaydu ku jirto waddankoo nabad ah ee ayna muhiim ii ahayn shakhsiga kursiga kulmiye fuulaya.
Qudbaddii uu maalintii hore jeediyey musharrax Samaale ee meel ka dhaca ku ahayd qaranka, hase yeeshee uu is lahaa taageero tol ayaad ku heli. Waxay noqotay mid isagii ku noqotay cambaar iyo qodax aan weligii ka gu’ in. Caambaaraynta ugu badnayd ee qudbaddaasi waxay ka timid gobolka Gabiley ee uu asaal ahaan ka soo jeedo. Markaasuu ogaaday in dadku ka horrayeen siyaasiinta oo ka waddanisan yihiin kana dal jecel yihiin. Arrintani cashar bay u noqotay isaga iyo siyaasi kasta oo is lahaa caadifad qabiil iyo isku dir ummadeed ayaad kursi ku heli ama martabad kale. Dadka Somaliland, siiba beesha dhexe, maaha maanta mid loo adeegsan karo qaddiyad qabiil. Heerkaa way ka gudbeen. Mana aha ummaddani mid shakhsi adeegsan karo.
Haddaba odayadii duday waxay ogaadeen (imika!!) arrimaha aan kor ku xusay sidaa darteed shirka jaraaid ee ay maanta ku caddanayeen inay qaadacayaan shirka kulmiye waad yaabaysaa sida deggen ee quruxda badan ee ay u hadlayaan. Iyagoo mawqifkooda sheegaya hase yeeshee dadwaynaha qalbigooda dhowraya. Bal dhegayso Samaale! You can’t imagine! !
Wa billahi tawfiiq
maqaal

News Related