Published:

“Haddii la leeyahay Somaliland Samaroon iyo Isaaq ayay U Xidhan tahay Khalad Weyn Ayaa Halkaas Ku JIra,” Prof Axmed Ismaaciil Samatar.

“Aniga Mabda’aygu Wuxuu Yahay Laba Su’aalood Oo kala Ah Maxaa Waddanka U Dan Ah? Iyo Dantaas Yaa Fulin Kara oo dalka wadi kara? Dadka su’aashaas jawaabteeda haya ee leh halkaas ayaa wadanka la gaadhsiin karaa, sidaas ayaana loo fulin karaa oo loo gaadhsiinayaa dadka la yimaada in talada wadanka loo dhiibo ayay aniga ila tahay, markaa qofkaasi ama ha ka yimaado Buuhoodle ama Badhan ama Laasqoray ama Berbera, Burco, Gabiley ama Hargeysa ha ka yimaadee. Waa in reer Somaliland iska ilaaliyaan wixii baabi’iyay Soomaaliweyn oo ay caksigeeda mar walba keenaan,”  ayuu Prof Axmed Ismaaciil Samatar ku sheegay waraysi lala yeeshay.

 

Prof-ku wuxuu ku dooday in dhammaan dadka iyo degaannada Somaliland u siman yihiin hogaanka dalka, islamarkaana aanay xaq ahayn in gobolada bariga lagu dooran waayo dadkooda ayaan codayn. Wuxuu sheegay in arrimihii Somalia baabi’iyay haddii ay Somaliland ka hirgalaan Somaliland aanay sii jiri doonin.

 

Wuxuu si adag uga digay qabyaaladda loo lagu lifaaqo Dimuqraaddiyadda, isagoo ku dooday in haddii qabyaaladdu xoogaysato dalka ay halis galin karto, wuxuuna ku booriyay bulshada Somaliland in la naaquso qabyaaladda ama la tirtiro

samatar

News Related