Published:

Qaramada midoobay oo madaxdooda Somaliland ku qaada baabuurta aanay rasaastu Karin, halka Muqdisho ku dhex maraan baabuurta caadiga ah

arHargeysa(GNO) Qaramada Midoobay ayaa wufuudooda soo booqata Somaliland shuruud kaga dhigay marka ay madaarka Hargeysa ka dagayaan inay raacaan baabuurta aanay rasaastu Karin, iyagoo u muujinaya Somaliland inay tahay Dal aan amaankiisu sugnayn, halka ay Somaliya ka isticmaalaan baabuurta caadiga ah ee la isticmaalo xaaladaha caadiga ah.

Talaabadan ay Qaramada Midoobay kula macaamilayso Somaliland oo ah Dal sida la ogsoon yahay xasiloon ayaa ah mid gayaysiinaysa in indhaha caaalamka loo tuso dal aanu amaankiisu sugnayn, halka dhab ahaan ay Somaliland xaqiisay aragti ka duwan ta ay qaramada Midoobay qabto oo ah Dalka ugu nabdoon Gobolka.

Qorshaha Qaramada Midoobay oo Somaliland ka shaqeeya ayaanay Xukuumadda Somaliland wax talaabo ah ka qaadin, iyadoo marar badan loo soo jeediyey inay Madaxda Somaliland la socdaan dagaaladda kala duwan ee lagu wiiqayo sumacada iyo jiritaanka Qaranimo, waxaanay u muuqdaan kuwo aan xog badan hayn, ama ka gabiyey ficil dhab ah inay kaga jawaabaan Farriimaha qaldan ee bulshada caalamka la tusayo.

Muwaadin Reer Somaliland ah oo Waaheen u waramay ayaa sheegay in uu aad ula yaaban yahay hab-dhaqan uu ku tilmaamay Qaramada midoobay madaxdeedu inay caadaysteen, kaasoo ah inay Madaarka Hargeysa illaa iyo xaruntooda inta u dhaxaysa u raacaan baabuurta aanay rasaastu Karin, isagoo sheegay inay xataa Fiisayaasha ka soo qaataan safaaradda Somaliya ay ku leedahay Nairobi ku isticmaalaan Somaliland, iyagoo ka dhigaya inay Somaliya xukunto Somaliland, talaabadaas oo aanay xataa saraakiisha socdaalku go’aan adag oo ay wax kaga qabtaan ka qaadan.

Dagaalka dublamaasiyadeed ee ay qaramada midoobay ku hayso Somaliland ayaa waxa ka soo horjeestay Hay’adda Caalamiga ah ee Global Terrorism Index oo warbixinteeda sanadlaha ah ee uu daabacay wargeyska Independent ku daabacday Khariirad iyo xog muujinaysa Somaliland inay tahay dalalka caalamka ugu amaanka wanaagsan, halka ay Somaliya ku tilmaantay meelaha ugu khatarsan Caalamka.

Qaramada Midoobay ayaa Somaliland ula macaamisha maamul goboleed ka tirsan Somaliya, waxaana caddayn u ah qoraalada ay isticmaalaan xafiisyadooda ka hawl-gala Somaliland oo dhamaantood ciwaankoodu yahay Somaliya, halka sidoo kale uu wali xafiiskoodii siyaasadda ee ay Hargeysa ka furteen shaqeeyo, iyadoo ay Somaliland diiday inay ula macaamisho nidaamka loo dajiyey in uu xafiiskaasi u shaqeeyo oo ah mid jiritaanka Somaliland ka hor imanaya.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

888444Guddida Joogtada Ee Guurtida Oo Xog Waraystay Guddida Doorashooyinka Qaranka
arQaramada Midoobay oo Amaanka Somaliland xajiimaynaysa, xilli Khariirad caalami ah oo laga soo saaray Dalalka khatarta Argagixisada la dariska ah laga saaray Somaliland
Berbera Town and PortWefti ka socda Dawladda Imaaraadka oo wada Sahan ay ku soo Dagayaan Gobolka Saaxil
cccGudida Hiliblayaasha NAFAQO Oo Wasiir Warancade Ku Eedeeyay Inuu Ku Balan Furay Axdi Uu Lagalay
Somalia High TaxesAlshabaab oo u Qaybsantay Saddex kooxood oo kala Af-kaar duwan‏
TACSI ka socota shaqaaLaha qarmadda midoobay

News Related