Published:

.

 Mujaahid Gaashaanle Sare Eng.Maxamed C/laahi  Guri Barwaaqo (Fani)  wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa 1950-kii , Malcaamadii Quraanka waxa uu ka galay magaalada Hargeysa,Dugsigii hoose waxa laga qoray magaalada Berbera 1958-kii isla sanadkaas waxa uu usoo bedeshay magaalada Hargeysa gaar ahaan dugsigii hoose ee Biyo Dhacay halkaas oo uu kula magac baxay naanaystisii Barbaraawi, Sanadkii 1961 waxa uu u wareegay Biyo Dhacayga Sare waxaanu dhameeyey Dugsigiisii H/Dhexe 1965-kii halkaas oo uu kula baxay Naanaystiisa caanka noqotay Fani,Isla sanadkaas waxa uu galay dugsigii sare ee Banaadir  waxaanu dhameeyey dugsiga sare 1969-kii ,Sanadkii 1970 waxa uu ka mid noqday Saraakiishii Ciidamada Cirka waxaana waxbarasho Jaamacadeed loogu diray wadankii Midowga Soofiyeeti ee Ruushka ,waxaanu Jaamacadaas soo dhamaystay sanadkii 1973-kii,Isla sanadkaasina waxa uu kusoo noqday Wadankiisii Soomaaliya waxaanu ka hawl-galay Saldhigii Ciidamada Cirka ee Bali Doogle.

Gaashaanle Sare Mujaahid Maxamed C/laahi  Guri Barwaaqo (Fani) waxa mar labaad waxbarasho Jaamacadeed loogu diray wadankii Ruushka 1975-kii, 1977-kii ayaa ay Cilaaqaadkii ay kala goosteen labadii wadan ee Soomaaliya iyo Ruushku kadib markii uu dhacay dagaalkii dhex maray Soommaaliya iyo Itoobiya oo Saamayn weyn ku yeeshay Cilaaqaadkii siyaasadeed ee labada wadan taasoo sababtay in lasoo mustaafuriyo ardaydii Soomaalida ahayd ee wax ku baran jirtay wadanka Ruushka,

Gaashaanle Eng.Maxamed C/laahi  Guri Barwaaqo (Fani)  1978-kii waxa mar kale waxbarasho Jaamacadeed loogu diray wadanka Masar isagoo soo dhamaystay sanadkii 1984-kii isagoo isla markaasina noqay Ingineer dhinaca diyaaradaha ah isagoo isla markaasina noqday ardaygii ugu sareeyey Jaamacadii Masar ee uu dhiganayey oo dhan waxaana bilad sharaftii uu kaga guulaystay u xidhay Madaxweynihii waqtigaas ee Dawlada Masar  Xusni Mubaarik isla sanadkaas 1984-kii waxa uu kusoo noqday wadankiisii Soomaaliya isagoo isla markiiba noqday Taliyihii Saldhiga Cirka ee magaalada Baydhabo.

Mujaahid Maxamed C/laahi  Guri Barwaaqo (Fani)  1986-kii waxa uu ka tagay ciidankii Soomaaliya markuu arkkay cadaadiska lagu hayo dadkiisii kasoo jeeday waqooyi ee Somaliland,waxaanu ku biiray Ururkii SNM 1986-kii isagoo intii uu gudaha joogayna gudaha kula shaqaynaayey, )  1988-kii waxa uu ka mid noqday saraakiishii hogaaminaysay ciidamada SNM ee markii danbana gacanta ku dhigay magaalada Hargeysa.

Mujaahid Maxamed C/laahi  Guri Barwaaqo (Fani) Ardaydii ay waxbarashada Jaamacadaha dibada soo wada qaateen waxa ka mid ahaa ,Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Somaliland C/raxmaan Aw Cali Faarax,Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaashaandhiga Md.C/kariim Xaashi iyo Mujaahid Xasan Saleebaan Weyne(AHUN)

1991 waxa uu ka mid noqday Mujaahidku odayaashii abaabulaysay Shir weynihii Nabadaynta iyo aayo ka tashiga Qaranka Somaliland ee lagaga dhawaaqay gooni isku taaga Somaliland,isagoo markii danbana halgankii dhimaha dawladnimada qayb weyn ka qaatay.

Dhamaadkii 1993-kii Madaxweynihii hore Somaliland  Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (AHUN) waxa uu magaacay  Sadex Gudi oo soo diyaarisa isla markaasina kasoo talo bixisa dhismaha Sadexda Ciidan ee uu ka kooban yahay .

Guiyadaas Midkood  oo ahayd Gudida Ciidanka Cirka iyo Difaaca Cirka  Jamhuuriyada Somaliland ayaa Gudoomiye looga dhigay Mujaahid Maxamed C/laahi  Guri Barwaaqo (Fani) xiligaas-na ma jirin Wasiir iyo Taliye Ciidan midkoodna ,waxaana xilka wasaarada Gaashaan-dhiga hayey Wasiiir kuxigeenkii iyo Abaan-duulihii ,Kuwaas oo kala ahaa Wasiirku-xigeenkii  Wasaarada ee waqtigaas Mudane Xasan Guure Jaamac iyo Abaan-duulihii Ciidanka Qaranka ee waqtigaas oo ahaa Mudane C/laahi Xuseen Iimaan Dawaral.

Duruufihii qalafsanaa ee Dhaqaale,Gaadiid iyo wixii la mid ahaa ee waqtigaas jiray ayaa suurtagalin waayey inay gudiyadaasi fuliyaan hawlihii loo igmaday,Sidaas daraadeed Mujaahid Maxamed C/laahi Guri Barwaaqo (Fani) oo qiimaynaaya marxaladii dalku maraayey iyo tuhunka masuuliyiintu ka qabeen inuu arinkaas wax ka qaban karo ayuu isagu hawshii isku xil saaray,Isagoo markuu qaabkii dhismaha Ciidanka Cirka iyo Difaaca Cirka dhamaystiray  ayey hortimad astaanta Ciidanka uu dhismihiisa ka talo bixinayaa halkaas ayaanay ka dhalatay Fikrada diyaarinta buuga la magac baxay YAGLEEL oo uu bilaabay sanadkii 1994 soona afjaray Sep 2004

Lasoco qaybta danbe

Miyir Cali Xuseen

miyircali@gmail.com

Moble: 0634046313

Hargeysa Somaliland

News Related