Published:

TALIYAHA CIIDANKA BOOLISKA S/GUUTO MR. FADAL OO AWOODA XIL EE UU QARANKA U HAYO UGU HIILIYEY DRs. EDNA AADAN ISMAACIIL, ISAGA OO XABSIGA U DHIGEY MUWAADIN CABDI (DABEECO) DHULKIISII LAGA DAMAACIYEY, ISAGA OO XABSIGA DHIGEY MUWAADINKAAS MUDDO 2 BILOOD KA BADAN.

Mujaahid Cabdiraxmaan Cali Yare(Cabdi Dabeeco) oo ah Muwaadin Somalilander ah kana mid ahaa Mujaahidiintii usoo halgamay Dalkiisa ayaa waxa uu muddo 2 Bilood ah u xidhan yahay DRs.Edna Aadan Ismaaciil iyada oo doonaysa in ay awood kaga qaado dhul uu leeyahay, iyada oo u isticmaaleysa awooda Taliyaha Ciidanka Booliska oo ay isku hayb yihiin.

Haddaba Arrintan damac ee DRs.Edna ku dooneyso dhulkan ayaa dacwadeedu waxa ay soo socotey muddo dheer, taas oo hore ay dacwadoodu uga bilaabantey Maxkamadaha Dalka iyo Waliba Dawlada Hoose, dhulkan oo ku yaala Xaafada Isha-borame gaar ahaan Buurta loo yaqaan Xuun-shaaley waxa wada leh Ninkan imika Xabsiga ugu jira iyo niman kale oo dhawra waxaanay dacwadahaas oo dhami ku dhamaadeen in loo xukumo Mujaahid Cabdi Dabeeco iyo Saaxiibadii, waaney ku guuldareysan jirtey ilaa intii ay Wasiirka Arimaha Dibada aheydba.

Dhulka waxa dacwadiisa soo gabagebysay Maxkamada Gobolka hargeisa ooh ore u xayirtey taas oo amarkii ay Maxkamadu ku xayirtey ticraaceedu yahay:-

  • Ujeedo:- Amar Xayiraad Dhul
    • Tixraac-MGH/DDL/545/2014
    • Taariikhda-31/05/2014
    • Dhibanaha- Wakiil Xuseen Axmed Caali
    • Eedaysane- Iid Aw Aadan Nuur

Xayiraadaas ka dib waxa Maxkamada Gobolka Hargeysa ay qaadey Dacwadii waxaaney kusoo dhamaatey Xukun, Xoriyadiisii dib loogu celyey Eedaysane Iid Aw Aadan nuur laguna Laalay Feyl been abuur ah oo ay Drs.Edna Aadan sidatey waxaana loo fasaxay Dhulkoodii.

Ticraaxa Xukunka:-

  • Gal-dacwadeedka – MGH/DDL/545/2014
  • Ujeeedo:- Xukunka Dacwada MGH/DDL/545/2014
  • Taariikhda – 27/10/2014

Waxa haddaba la yaab noqotey in dacwada noocaas u dhamaatey ee aaney Racfaanka ka qaadan Drs.Edna Aadan in ay sifo kale u isticmaashey awood sheegashadii salka ku haysay damaca dhulkaas, iyada oo soo adeegsatey Taliyaha Ciidanka Booliska oo ay isku hayb yihiin, waxaaney qaab afduub ah u xidhey Mujaahid Cabdi Dabeeco isaga oo ilaa imika xabsiga ugu jira.

Laguma xidhin Waaran Maxkamadeed balse waxa loo soo direy Ciidanka Nabadgelyada Wadooyinka Traffic iyaga oo u sheegay in Baabuurkiisu gaadhi kale jiidhey lana soo dacweeyey, markii uu raaceyna waxa lagu xidhey saldhiga dhexe isaga oo loo sheegay in uu soo xidhey Taliyaha Ciidanka Booliska S/Guuto Mr.Fadal.

Balse waxa la horgeeyey Maxkamada isaga oo loo soo diyaariyey Eedeyn cusub oo isla kiiskaas dhamaadey ah waxaanay Warqada Eedaasi Xambaarsantey  Xayiraad Jabin sida ku cad tixraacan.

  • Ujeedo:- Xayiraad Jabin
  • Tixraac:- XIG/H/1081/2015
  • Taariikh:- 11/10/2015

Taas oo ilaa imika u xidhan Xayiraad Jabin hore xukun uga soo baxay iyada oo Maxkamada Gobolka Hargeysa diidey Eedayntaas oo ay ku sheegtay mid Indho La’ Balse waxa uu u xidhanyey Amarka S/Guuto Mr.Fadal.

Haddaba waxaanu Gudoomiyaha Maxkamada Sare ka codsanaynaa in uu wax ka qabto Maxkamadahan ay Ciidankii Boolisku ka awooda bateen ee ay Maamulanayaan.

Taliyaha Ciidanka Booliska waxaan xasuusineynaa in Xilka uu hayo aan loogu dhiibin in uu beeshiisa ugu adeego balse uu xasuusto in loogu dhiibey in uu shacabka dhex u noqdo.

MADAXWEYNAHA QARANKANA WAXAANU KA CODSANAYNAA IN UU WAX KA QABTO KU TAGRIFALKA AWOODA CIIDAN EE TALIYAHA CIIDANKA BOOLISKA, HOOSNA UU USOO EEGO DHIBAATADA SHACABKA KA HAYSATA CIIDANKA IYO XEER ILAALINTA EE AANU KAGA MASHQUULIN SIYAASADAN XISBIYADA.

News Related