Gabileynewsonline.com
Taliyaha Nabadsugida oo amaro ka kooban 7 qodob dul dhigay Milkiilayaasha Hoteelada (Aqriso Qodobada)
November 4, 2015 - Written by admin

 


Taliyaha Hay’adda nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa amar ka kooban 7 qodob kusoo rogay Milkiilayaasha Hoteelada magaalada Muqdisho.

7 qodob ayaa waxa ay xiriir la leeyihiin qaabka looga hortagi lahaa qalqal galinta Xoogaga Alshabaab ay kawadaan magaalada Muqdisho haba ugu badnaatee Hoteelada.

Hoteelkii baalmara awaamirtaani ayaa waxa uu Taliyuhu sheegay inuusan xaq u laheyn inuu ka shaqeeyo magaalada Muqdisho waxaana kamid ah qodobadaasi:-

1-Hoteel waliba Amniga Muwaadiniinta degan waxaa lagala Xisaabtami doonaa Milkilaha Hoteelka.

2-Qodobka labaad waxaa Milkiilayaasha Hoteelada la farayaa in cid waliba oo u booqasho tagta Muwaadiniinta Hoteelka degan laga qoraa magaca, sidoo kalane dadka u sheekada doonta Hoteelada waa in laga diiwaan galiyaa Aqoonsiga uu wato.

3-Dadka Degaya Hoteelka waa in laga hayaa Koobi Baasaboor Ama Aqoonsi u dhigma.

4- Milkiilayaasha Hoteelada waxaa la farayaa inay sameystaan Labo Kontorool Baaxadda u dhaxaysa Kontoroolka Koowaad iyo kan Labaad oo ah Albaabka laga soo galayo, waa in uu yahay Masaafo dhan 100 Mitir.

5-Waa in Hoteel walba uu sugaa Amniga 200 oo Mitir oo isku Wareeg ah oo ku Hareereysan Hoteelka.

6-Shaqaalaha Hoteelka ka shaqeynaya waa in laga Diiwaan Galiyaa Xarunta NISA ee Degmada uu ku yaal Hoteelkaas,lana mariyaa Baaritaan Amni Shaqaale walba,waxii Caawin ah oo ay u baahdaana waxaa ay la soo Xariiri karaan Hay’addaha Amniga.

7-Hoteel Walba waa inuu leeyhay Qalabka Casrigaa ee Gaadiidka iyo Dadka.

Talaabadaani ayaa kusoo beegmeysa xili weerarada Alshabaab ay kusoo koobmeen Hoteelada Muqdisho oo ay deegaan ku yihiin Madaxda Dowlada.

COMMENTS
Latest News