Published:

Hargeysa(GNO)November-08-2015- Musharax Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, oo ka tirsan aqalka wakiillada, una ordayay madaxnimada Kulmiye, ayaa sheegay in la gees maray dhaqankii Kulmiye ee wadatashiga iyo isu joojinta ahaa, islamarkaana shirkii xisbigu u afduuban yahay laba musharax oo iyaga la siman.

Waxa uu sheegay inay faro madhan ka joogaan ergooyin kasta oo ay u direen madaxtooyada iyo xisbiga, sidaasna ay kaga aayo waayeen in wada hadal xal raadin lagu galo arrimaha la isku diidan yahay. Waxa uu sheegay inuu aad uga xun yahay inay halkaasi kaga hadaan Kulmiye.

Daawo hadalka Musharax 

https://youtu.be/QkTWasab0Rs

News Related