Gabileynewsonline.com
Warar Sheegaya in Dekeda Berbera lagu Wareejinayo Gacan Shisheeye iyo Qorshayaal la damacsan yahay in lagu aamusiiyo Warbaahinta
November 19, 2015 - Written by admin

Hargeysa(GNO)-Madaxtooyada Somaliland ayaa, maalimhii u dambeeyay bilowdey dhaqdhaqaaqyo ay kaga hawlgaleyso sidii xakameyn loo saari lahaa qaar kamid ah Warbaahinta maxaliga ah
ee saameynta ku yeeshay tabinta Cabashada iyo dareenka Dadweynaha islamarkaana, sida aadka ah loogaga hadley Wareejintii Haamaha Shidaalka Keydka Berbera oo shacbiga Reer Saaxil
iyo Dadweynaha Reer Berbera dareen adag ka qaateen. Sida ay hadhwanaagnews u xaqiijiyeen Warar xog-ogaal ah oo ka ag dhaw Madaxtooyada Somaliland iyo hawgaladeeda Xiligan ee ku aadan Dekedda Weyn ee Berbera oo ay damacsan tahey
in lagu wareejiyo Shirkado ajaanib ah,arintan  ayaa dibada usoo baxdey kadib markii dhawaan dalka ingiriiska looga yeedhay, Mulkiilaha Talafishanka Star Tv Maxamed Aadan Koodhaadhi oo
kulan xidhiidhin ah isaga iyo Marwada koowaad ee Qaranka qasriga Madaxtooyada ku kulansiyeen Wasiirka cusub ee Wasaarada Cadaalada Axmed Cadare iyo Wasiirka Hawlaha Guud Cali Xasan Maxamed(Cali-mareexaan),islamarkaana mulkiilahaasi laga codsadey in
Xukuumadu ka iibsaneyso wakhti xaadirkan qeyb kamid ah lahaanshaha Talafishanka Star si uu u xadido sii deynta Wararka lidka ku ah Xukuumada oo ay qeyb ka yihiin Haamaha Shidaalka
iyo Dekedda Marsada weyn ee Berbera,waxaana la taqabalsiiyay Mulkiilaha Star Tv sida ay wararkan xogogaalka ahi daaha ka feydeen qadar lacag ah oo lagu sheegay Hurumarin arintan, oo uu
shaqadii Talafishanka iskaga cassiley Agaasimhii Tvga Star Xamse Cali Bulbu iyo madaxii Wararka Xasan Maal Dhidar,inkastoo ay jiraan shaqaale kale oo iyaguna maamulkooda la aragti
noqdey, waxaanay wararku intaa ku dareen in arintan uu kasoo shaqeeyay Wasiirka Hawlaha Guud Cali-Mareexaan oo awal hore Madaxtooyada u qaabilsanaa arimaha dilaaluista iyo qaar
kamid ah Warbaahinta maxaliga ah oo la kaashadey Wasiirka dhawaan loo magacaabay Wasaarada Cadaalada Axmed Cadare. Sikasta oo ay taheyba, inkastoo ay Xukuumadu ku guuldareysatey in ay xaqiiqda iyo dhacdooyinka jira Warbaahin fara badan,
islamarkaana mudadii ay jirtey ay sameysatey Warbaahino dabadhilif u ah oo ay masuul uga yihiin dad aan u bisleyn khibrada aqooneed ee Saxaada iyo Warbaahinta oo nidaam qabiil lagu
hawlgaliyay, hadana waxa taa barbar socda in dhalinyaro aan Dugsiyada dalka aqoontooda dhameysan oo lagu khasbo in ay hawlgaliyaan Mulkiilayaasha iyo Maamulka talafishanada dalka
talaabadan oo Wasiir Cali-Mareexaan iyo rag kale ku caan baxeen waxa isa soo taraya in mudada kooban ee ka hadhey Mudo xileedka Xukuumada ay Madaxtooyada iyo Wasiiradan dilaaliinta u
ahi ku dedaalayaan in laga sii mustafeeyo qeybo warbaahinta Madaxa banaan ah si aaney u tabinin Wararka Musuqmaasuqa iyo kasii laacista Hay,adaha Dawliga ah iyo Waliba ilaha dhaqaale
ee Muhiimka iyo lafdhabarta u ah dakhliga Somaliland oo ay kamid tahey Dekedda Berbera oo Shirkado ajaanib ah lagu wareejiyo sidii Ganacsatada loogu Wareejiyay Haamaha Shidaalka Berbera.

source HWN

COMMENTS
Latest News