Published:

Xagla Toosiye oo Timaamy in Khaladaad ku jiro Doorashada La Tashina uu Samayn doono

Hargeysa(GNO)November-10-2015-Wasiir Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiyeayaa hambalyeeyay musharaxa madaxtinimada Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo musharaxa madaxweyne xigeen Cabdiraxmaan Saylici, wuxuu u rajeeyay nasiib wanaagsan isagoo sheegay in tartanku bilaw yahay.

Dhinaca kale  wuxuu sheegay in hannaanka doorashada Kulmiye khalad badani ku jiro, wuxuuna madaxweynaha ku dhiiri galiyay in la saxo hanaanka doorashada Kulmiye mustaqbalka dambe, wuxuuse sheegay in midnimada Somaliland ka go’an tahay, isagoo sheegay inuu siyaasadda u da’ayar yahay.

Wasiir Xaglotoosiye, wuxuu intii u codaysay ku tilmaamay dad midnimada Somaliland ka go’an tahay, halka intii ka codaysay uu ugu duceeyay in Alle fahansiiyo muhiimadda midnimada, balse dhammaantoodba wuu hambalyeeyay.

 

News Related