Published:

Murrashaxa-madaxweyne“Siyaasadii Arrimaha Dibadu way soo oodantay  quful uunbaan lagu jabin, marka dalkii mugdibuu gallay, mugdigaasina waxa galiyey dawladii Kulmiye dhisay” Murashax Madaxweyne Ku-xigeenka xisbiga WADDANI Dr.Maxamed Cali Cabdi

Hargeysa(GNO) Murashax Madaxweyne Ku-xigeenka xisbiga WADDANI Dr.Maxamed Cali Cabdi ayaa sheegay in  Xukumada Madaxweyne Siilaanyo tahay xukumadii ugu liidatay ee Soo marta Somaliland, waxaanu tilmaamay in Xukumada ay  Ragaadiyen Musuq-maasuq iyo Qof jecelaysi.

Sidaasi waxa uu ka sheegay mar uu maanta lagu soo dhaweyey Madaarka Cigaal ee Hargeysa ka dib markii u soo dhammaaday Safar uu waddamada dibada uu ku maqnaa.

Murashax Madaxweyne Ku-xigeenka xisbiga WADDANI Dr.Maxamed Cali Cabdi oo arrimahasi ka hadlayaa wuxu yidhi.  “Dalkeena Gudihiisa waxa  ka  jira cabashooyin fara baddan, oo ay ka mid yihiin dhaqale darada, Shaqo la’aanta, Musuqmaasuqa,  iyo eexda. markii cadaaladaradii meel walba soo martay waxaynu og nahay in labba todobaad ka hor ay gashay Dawladii oo ay is casileen Wasiiradii, wasiiro Ku-xigeenadii, agaasimayaashii oo dhami, arrinta dalka ka dhacday caalamka kama dhacdo, haddii ay ka dhacdana dawlad cusub ayaa la soo dhisaa, basle dawadii lama raadine waxa lagu deydayey dawo dhalinyaro.”Ayuu yidhi.

Isaga oo sii waata hadlakana waxa uu yidhi. “Runtii waxa kale oo aad ogtihiin in uu  dalku marayo halkii ugu liidatay, dhaqaalihiiba hoos u dhacay, danyartiiba gaajoonaya oo dadkeena boqolkiiba Sideetan ayaan dhaqaale ku fillan haysan”Ayuu yidhi.

Murashax maxamed Cali waxa kale oo uu ka hadlay Siyaasada Arrimaha Dibada ee Xukumada Siilaanyo waxanu yidhi. “Siyaasadii Arrimaha Dibadu way soo oodanto qufulkunban lagu jabin, marka dalkii mugdibuu gallay, mugdigaasina waxa galiyey dawladii Kulmiye dhisay, waxa la yidhaahda mugdi mugdi ma saaro, laakiin Iiftiinbaa Mugdi saara, Xisbiga Waddani waa Xsibga Somaliland Mugdiga ka saaraya”

Waxa kale oo uu farriin u diray madaxweyne Siilaanyo. “Farriinban madaxweynaha u dirayaa, Islaanba gabadheedii ku dhistay nin xoog weyn, islaantu waxay is lahayd Caruurbadanbaa gabadhaada u dhalantoonta, markii waxba u dhalanwaayen ayey tidhi Ninka Xoogaweyni gabadhayda kamu dhaliwaayine wuu hagranayaa, marka Madaxweynuhu dalka waxba umu qabban kariwaayine wuu hakranayaa” Ayuu yidhi.

Murashax Madaxweyne Ku-xigeenka xisbiga WADDANI Dr.Maxamed Cali Cabdi  oo ku dhawaaqay Murashaxnimadiisa waxa uu yidhi. “Cod dheer waxan ku sheegayaa in aan u tartamayo jagada murashax Madaxweyne Ku-xigeenka Waddani, waxaanan jecelahay in aan dalkayga wax baddan u qabban doono”Ayuu yidhi.

News Related