Published:

Xisbiyada Somaliland iyo Ergayga Dalka Turkiga u Qaabilsan Wadahadalada Somaliland iiyo Somaliya oo Qodobo waxa ku ool ah isla meel

“In Dawladda Turkigu ay ballaadhinayso qunsuliyadooda Hargeysa oo ay diyaar u yihiin inay wax badan ka qabato tabashooyinka Somaliland qabto”

DSC_5796Hargeysa(GNO) Madaxda Axsaabta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kulan la yeeshay Ergayga gaarka ah ee dawladda Turkiga u qaabilsan wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Ahmet Rize Demirer, kulankaas oo ka dhacay xarunta Qunsuliyadda Guud ee Turkigu ku leeyahay caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa gelinkii dambe ee shallay ayaa Markii uu dhammaaday Kulankaasi waxa laga soo saaray Warsaxaafeedkan oo u dhignaa sidan. “Kulan dhexmaray madaxda axsaabta Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ergayga dalka Turkigu u magacaabay wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya

Madaxda Axsaabta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kulan la yeeshay Ergayga gaarka ah ee dawladda Turkiga u qaabilsan wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Ahmet Rize Demirer, kulankaas oo ka dhacay xarunta Qunsuliyadda Guud ee Turkigu ku leeyahay caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa gelinkii dambe ee maanta oo taariikhdu tahay 27 November 2015.

Kulanka labada dhinac dhexmaray waxa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha  Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay wehelinaysay marwo Faadumo Siciid, halka dhinaca dalka Turkiga-na ay ka socdeen Ergayga gaarka ah ee dawladda Turkiga u qaabilsan wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Ahmet Rize Demirer, Qunsulka Guud ee Turkiga u jooga Hargeysa Mr. Muzaffer Yüksel iyo madax kale.

Madaxda Axsaabta Somaliland, gaar ahaan xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI, kulanka ay la yeesheen diblomaasiyiinta ka socday dawladda Turkiga, waxa lagaga hadlay sii xoojinta cilaaqaadka siyaasadeed, dhaqaale, ganacsi, isu socodka dadweynaha iyo saaxiibtinimo ee u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Turkiga, iyadoo sidoo kale si gaar ah looga wada-xaajooday  wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Arrimaha Masuuliyiinta labada xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI ay kala hadleen ergayga Turkiga, soona jeediyeen, waxa ugu muhiimsanaa qodobo ay ka mid ahaayeen;

ü In wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya noqdaan qaar natiijo midho-dhal ahi ka soo baxdo

ü In  dawladda Turkigu dhex u noqoto arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya ee dhinacyada;

  • Mucaawanada ama dhaqaalaha oo ay u arkaan in si sad-bursiimo ah Soomaaliya u hesho
  • Arrimaha Siyaasadda
  • Dhexdhexaadinta wadahadalka u dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya

ü In intii ay socdeen wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, wixii lagu heshiiyey ay ka fuli waayeen dhinaca Muqdisho, taasina caqabad ku tahay wadahadalka gogoshiisa ay dhigtay dawladda Turkigu

ü Waxa kaloo labada xisbi u caddeeyeen Ergayga Turkiga in mowqifkooda wadahadalladu yahay inay ka soo baxdo madaxbannaanida Qarannimada Somaliland, isla markaana aanay wax ka sokeeya marnaba aqbalayn.

Dhinaca kale, Ergayga gaarka ah ee Turkiga u qaabilsan wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya iyo diblomaasiyiinta kale ee wehelinayey waxay u mahadceliyeen madaxda axsaabta qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay ballanqaadeen;

v In dawladda Turkigu ay dhexdhexaad ka noqonayaan arrimaha u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya

v In Dawladda Turkigu ay ballaadhinayso qunsuliyadooda Hargeysa oo ay diyaar u yihiin inay wax badan ka qabato tabashooyinka Somaliland qabto, una raadiyaan xal u cuntama reer Somaliland

v In Turkiga iyo Somaliland yeeshaan xidhiidh wanaagsan oo sii socda.

News Related