Published:

Sida aynu la Wada socono Dawladdaha Hoose ee dalka Mishiinka Shaqadda kala waddaa waa qofka haya xilka Xoghayaha Dawladaha hoose oo sidoo kale ah wakiilka khaaska ah ee xukuumadda eek ala wadda shaqadda haddaba maadaama ay sidaasi tahay Haddii masuulkaasi aanu garanaynin shaqadiisa iyo awoodiisa waxa dhici karta inuu shaqaddiisa ku haleeyo cid kale oo aan mandate u lahayn shaqaddaasi.

Xoghayaha Dawladda hoose ee degmadda Togwajaale oo ah nin dhalinyaro ah wuxuu ku yahay horumarka degmadda Togwajaale waxaynu odhan karnaa caqabad weyn ayuu ku yahay sida ay ii xaqiijiyeen Dadweynaha degmaddaasi socdaal aann dhawaan ku tegay waxaanay iisheegeen xataa inuu masuuliyiinta isaga ka saraysa inuu iska qariyo isla markaasna ay ku khasabto masuuliyiinta isaga ka saraysa inay markay waayaan inay Odayaashiisa iyo cuqaashiisa inay yidhaahdaan bal noo keena ninkaasi waanu laanahee waa wax lala yaabo waxaanu inta badan Huteelka uu deggenyahay ee MAKA ALMUKARAMA ee uu leeyahay xassan yey oo amar ku siiyaa inay qariyaan cidna aanay usii deynin ama yidhaahdaan Ma joogo eek u soo noqo wuu baxay oo ma joogo .

Haddaba Xoghayaha Dawladda Hoose ee degmadda TOGWAJAALE ee is qarqarinta badan Degmadda TOGWAJAALE ma tahay meel hawlaheeda qaran ee degmadda uga baahantahay aayar layska qarqarin karo haddii sidaa uu qarsoomana maxaa kala soconaya mar aanu isku deynay inaanu eedeyntaasi Dadweynaha Degmadda Togwajaale usoo jeediyeen inaanu wax ka weydiino oo aanu telefoonka kala xidhiidhnay noomay suurto gelin ka dib markii uu naga xidhay telefookiisa isagoo dhacaya telefoonkiisu ayuu damiyay iyo inuu dabku ka dhacay ayaanan kala saarayn .

Ugu danbeytii iwaxaanu ku soo gebogabaynaynaa qoraalkan Faalladda ah Xoghayaha Daladda hoose ee degmadda Togwajaale ma noqon doonaa mid la jaanqaada Gudoomiyaha Cusub ee degmadda Togwajaale mise Madmadowgiisani ayuu ku jiri doonaa inta meesha laga saarayo ama laga bedelayo ……………………….

Allaa mahad leh

Qalinkii Wariye Mohamed mussa inji

Hargeysa

www.Gabileynewsonline.com

……………………….Hargeysa Main office …

News Related