Gabileynewsonline.com
Xubnaha Beesha Toljecle ugu jira Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo mowqif midaysan ku Taageeray Murrashax Xaglo-toosiye
November 5, 2015 - Written by admin

“Waxay beeniyeen inay Taageero  u muujiyeen  Madaxweyne ku-xigeenka oo kamida Murrashaxiinta; akhri beyaan

Hargeysa(GNO)-Kulan ay isugu yimaadeen xubnaha Golaha dhexe ee Beesha Axmed Sh. Isaxaaq, (Toljecle), Maanta oo ka dhacay Magaalada Hargeysa, ayaa waxay ku caddeeyeen mowqifkooda ku aaddan Doorashada Murrashaxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ee lagu doorran doono Shirka Golaha dhexe ee la filayo inuu qabsoomo tobanka Bishan November.

Kulankan oo uu goob-joog ka ahaa Xildhibaanka Golaha Wakiillada ugu jira deegaankan, oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Maxamuud Jaamac Warfaa, waxay kaga dhawaaqeen inay si buuxda codkooda ugu taageerayaan Murrashax Saleeban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), oo kamida murrasaxiinta u  tartamaya jagada Madaxweyne ku-xigeenka Xisbigaas.

Xubnahan oo tiradoodu dhantahay 5 Xildhibaan oo Golaha dhexe ah, ayaa go’aanka ay ka soo saareen Shirkooda, waxa kale oo ay ku beeniyeen jiritaanka taageero ay u muujiyeen Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo kamida Murrashaxiinta jagada ku-xigeenka ee xisbiga KULMIYE.

Waxa kale oo ay caddeeyeen inaanay ka qayb-gelin, isla markaana ciddii ka qayb-gashay aanay metelin iyaga,  kulan qado ah oo uu shalay Madaxweyne ku-xigeenku  ku qaabiley  xubno isugu Siyaasiyiin, Masuuliyiin, Madaxdhaqameedyo iyo Odayaal  ka soo jeeda Beelaha Toljecle iyo Ayuub, kulankaasoo ay sheegeen inaanay waxba kala socon, balse ay ka wat-heleen markii qalabka Warbaahinta lagu baahiyey, mowqif ahaanse ay hore go’aan middaysan ugu gaadheen taageerada Murrashax Xaglo-toosiye.

Cabdisalaan Cabdiraxmaan Salin oo kamida Xubnaha dhexe ee Beesha oo kulanka ka hadlay, ayaa sheegay “annigu beel ahaan horaanu u caddeynay mowqifkayaga, go’aanna aanu isla meel dhignay, ku saabsan ciddaanu taageerayno ee aanu codkayaga siinayno maalinta Shirweynuhu dhaco, mana jirto  meel aanu ku taageernay Cabdiraxmaan Saylici ee warka warbaahinta ayuunbaanu ku aragnay. Haddiise aan mar kale ku celiyo annagu waxaanu si buuxda u taageeraynaa wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Saleeban Xaglo-toosiye oo aanu u aragno inuu yahay Nin hankiisu qayb ka yahay dhismaha Qaranka” ayuu yidhi Cabdisalaan Salin.

Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa, oo isna halkaa ka hadlay, ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aanka ay qaateen xubnaha Golaha dhexe ee Beeshiisu, waxaanu kula taliyey inay ka midho dhaliyaan mowqifkooda oo aanay isku bed-bedelin, kuna kala baydhin kala jiidashada Golaha dhexe muddada shirka ka hadhay.

“Dadku inuu meel isku raaco ama kala baydh-baydhaa waa siyaasad iyo caadadeed, balse waxaan aad u soo dhaweynayaa mowqifka middeysan ee aad gaadheen. Beeshu xisbiga KULMIYE waxay kamid ahayd dadkii aasaaskiisa wax ku lahaa, waxaanay taageero la garab taagnayd ilaa markii la aasaasay, hadii madaxweyne la dooranayey iyo haddii xildhibaano la dooranayeyba  codkeedu KULMIYU ayuu ahaa, maantana waa halkii, laakiinse dan waxay u aragtay inay taageerto Murrashaxa Madaxweyne ku-xigeen ee saaxada ku cusub, murrashaxa Madaxweynuhuna waa halka loo badanyahaye ee waxba halkan ka sheegi mayno” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xubno kale oo iyaguna kulankan khaaska ah ka hadlay, kuna hadlayey Afka golaha dhexe iyo waxgaradka Beesha, ayaa sheegay in inkasta oo ay saluugsanyihiin saamiga laga siiyey Beesha, Golaha dhexe ee Xisbiga, balse aanay hadana lumin doonin doorka ay ku leedahay Xisbiga. Waxay xuseen in codka golaha dhexe ee Beeshu meel wada marayo, isla markaana talo-wadaag buuxa laga yeeshay.

 

COMMENTS
Latest News