Gabileynewsonline.com
Shirwaynihii Jaalliyada Guud eeSomaliland Germany ee 24/12/2015 lagu Qabanayay Kassel oo Dib loo Dhigay iyo Shir Turxaan Bixin ah Lagu Dhawaaqay.
December 14, 2015 - Written by admin

Gudidii Qabadan Qaabada Shirkii Jaalliyada Somaliland ee Magaalada Kassel ayaa ku dhawaaqday in shirwaynihii loo qoondeeyay 24/12/2015  Dib loo dhigay isla markaana la qaban doono Shirwayne Danbe kaasi oo loogu magac daray turxaanbixinta Jaalliyada Guud Somaliland, waxaana ka Qayb gali doonaan Dhamaan Xubnaha Hormoodka jaaliyadaha Somaliland ee Gobolada Dalka Jarmalka, Xubnihii lagu Doortay Magaalada Stuttgart iyo Gudidii Qabanqaabada Shirwaynaha Kassel.

 

Gudida oo Tixgalinaysa Dhamaan Dadka Reer Somaliland ee ku dhaqan Dalka jarmalka iyo Ergooyin uga Yimi Hogaanka Xubnihii Dhawaan lagu Doortay Magaalada Stuttgart ayaa wada tashi balaadhan ka dib Aqbalay in Dib loo Dhigo Shirwaynihii hore loogu Shaaciyay Warbaahinta islamarkaana Shir Turxaan Bixin ah lagu Qabto dhamaadka Bisha January Magaalada Kassel halkaasi oo lagu Soo Dhisi Doono Guddi ay ku midaysanyihiin Dhamaan Jaalliyada Somaliland lagu Ansixin Doono Gudidda iyo Dastuurka Jaalliyada Guud.

Waxaa laga Codsanayaa Dadwaynaha Reer  Somaliland ee ku dhaqan Gobolada Dalka jarmalka isla markaana jecel Wanaaga iyo Wadajirka Umadda inay ka soo qayb galaan Shirkaasi Turxaan bixinta ah ee ay ku Midoobi Doonaan Jaalliyadaha Reer Somaliland ka jira Dalkan, waxaanu mar kale idiin soo gudbin doonaa Wakhti Rasmiga ah ee Shirkaasi dhici doono insha allaah.

 

Guddida Badbaadadda Dallada Guud ee Jaalliyada somaliland Germany

C/qaadir Maxamuud Aw Xasan

Kassel/Germany.

 

 

 

COMMENTS
Latest News