Gabileynewsonline.com
Hadii Muxaahid Cabdiraxmaan Aw Cali ogolaado Mushraxa xisbiga Wadani waxay fursad u tahay xisbiga Wadani
December 17, 2015 - Written by admin

Waxa maalmihii ugu dambeeyey aynu maqlayney hadalhaynta la Xidhiidha in Xisbiga Mucaaridka ah ee wadani
Ay ku soo Biiri Doonaan Siyaasiyiin Magacweyn ku leh Bulshada Somaliland islamarkaasna ay Xisbiga ku soo kordhin doonaan Taageero iyo Sumcad wayn, waxana dhagaheena Ku soo Dhacaayey Muj Craxaman Awcali Faraarax oo ka mid ah haldoorka la Majiirto islamarkaasna
Kaalin wayn ka soo qaatay Sooyaalka Taariikhda Halganadii kala Duwanaa ee ay soo martay Somaliland,
Taariikhda Craxman runtii maaha mid Qormooyin lagu soo koobi karo,
Waana Shaqsi karaamo ku dhex leh Guud ahaan Bulshada Somaliland,
Hadaba haddii ay timaad in Xisbiga Wadani uu Fursadan ku guulaysto in Muj Craxman ka mid noqdo Murashaxiinta Xisbiga Wadani waxay noqonaysaa Dhinaca kale Guuldarro u soo hoyatay Xisbiga Kulmiye oo aan  anigu taageero,
Umalayn maayo in uu Craxman Ogolaan doono in Xisbiga Wadani uu ka Noqdo Murashaxa Madaxweyne/ xigeen balse haday dhacdo arintaasi,
Waxay dhabarjab iyo xagaldaac ku noqonaysaa Xisbiga Kulmiye,waayo waxa uu ku soo kordhin karaa Xisbiga uu ku biiro taageero uu ka helo Gobolada Somaliland oo idil,
Waxana dadbadan oo siyaasada Somaliland ka faaloodaa ay leeyihiin dhammaystirka Xisbiga wadani waxay ku xidhan tahay shaxda uu Soo dhigo Murashaxa Madaxweyne/ku xigeen ee uu Xisbigu soo Xulo
Haddii Allah yidhaa
Guntii iyo gabogabadii waxaynu sugnaaba waa Ciyaarta Qaybteedii dambe ee lagu kala badinayey Khibrada Tobabaraha
Waxaynu Sugnaaba waa Tababare Craxman Cirro iyo Ciyaarta uu soo bandhigo
Wabillaahi Towfiiq
By Mustafa Sh Abibaker Hussen

COMMENTS
Latest News