Gabileynewsonline.com
Maydka Kabtan Markab Oo Inka Badan 2 Bilood Ku Jira Cisbitaalka Berbera
December 21, 2015 - Written by admin

Maydka Kabtan Markab Oo Inka Badan 2 Bilood Ku Jira Cisbitaalka Berbera

Berbera(GNOf3a26ed8969978d641fb1c106b031fed_L (1))Taliyaha laanta Socdaalka ee Gobolka Saaxil Xasan Maxamed Ibraahim(Xasan Gaab)ayaa kawar bixiyay Meydka Nin Captain ka ahaa Markab lagu magacaabo M/v Muhsin oo dhawaan ku Geeriyooday Markabkaas gudihiisa isaga oo markabku ku xidhanyahay Dekeda magaalada Berbera,Meydka Captainkan ayaa mudo laba bilood iyo dheeraada  kujiray Talaagada meydka ee Cisbataalka guud ee magaalada Berbera,iyada oo halkaas Meydka Ninka ajinabiga ah lagu ilaaway balse laga war helay 17kii bishan maalintii khamiista markii talaagada Meydka lagu ridaayay Meydka Taliyihii Ciidanka Birmadka ee askarigu toogtay.

Captainka Markabka ee Geeriyoodaya ayaa lagu magacaabi jiray Cocrin Dan sida dhukmantigiisa ka muuqata waxaanu dhalasho ahaan kasoo jeeday Dalka Romania.Waxaana Markabka iyo Captainka Greeriyoodayba uwakiil aheyd shirkada IMSS ee shirkada Omar masuuliyadeeda koowaad leedahay,

 

Taliyaha laanta socdaalka ee Gobolka Saaxil oo kawarbixinaya meydka ninkan captainka markabka Muhsin ahaa ayaa sheegay in aan ilaa hada la aqoonsan sababta dhabta ah ee uu udhintay balse meydkiisa la ogaaday markii uu hal maalin qolkiisa markabka kujiray ee uu soo bxiwaayay laguna jabiyay qolkiisa.

 

COMMENTS
Latest News