Gabileynewsonline.com
Qoomiyada Oromada oo ku Dhawaaqaya Gooni isku Taag iyo Xaalada Dalka itoobiya oo Qasan.
December 22, 2015 - Written by admin

ffdss“Dawladda Itoobiya oo u marmarsiyoonaysa  Qowmiyadda Oromada, ayaa waxay Dishay 75 Qof” Warbixinta Amnesty International

Adis ababa (GNO) Rabashado isku jira  Dibad baxyo iyo dagaal ayaa ilaa November bilowgeedii ka socda magaalooyinka ay degaan Oromada ee dalka Itoobiya taasi oo keentay in dad badan ay ku dhintaan.

Qowmiyadda Oromada ayaa ka dibad baxaya waxa ay ugu yeedheen ilaalinta jiritaankooda kadib markii ay dowladda Itoobiya ku sameysay dhul ballaadhsi iyagoo hirgalisay qorshe loo bixiyay Master Plan, sidaa waxaa sheegay Afhayeen u hadlay dadka Oromada.

Qowmiyadda Oromada oo ah qowmiyadda ugu badan dalka Itoobiya, Itoobiya kaliya waxaa ku nool in ka badan 50 Milyan oo u dhasay Oromo, waxaa dalka ka taliya dadka laga tirada badan yahay ee Tigreega.

Qowmiyaddan waxaa ay ka sheeganayaan  dhibaato, iyaga oo sheegay in dhulkoodii  lagu soo xadgudbay, waxanay tilmaameen in laga dilay illaa  iyo shan iyo  todobaatan  Qof, siday ay sheegtay hay’adhaa Xuquuqal insaanka u olooleya.

Dad kale oo iyaguna Mudaharaado ka dhigay Wadamada caalamka ayaa sheegay in la gaadhay wakhtigii Oromiya ay ka gu’ilahayd dalka itoobiya oo dawlad madaxbaan ay noqon lahayd.

Abiy Berhane oo ku sugan Safaaradda Itoobiya ee Ingiriiska ayaa sheegtay in 5 qof ay ku dhinteen, iyadoo ku eedeysay dibad baxayaasha in ay yihiin qas wadayaal.

Ninka ayaa intaa ku daray in Dowladda ay ka hortagtay in dalka uu ka dhaco Xasuuq, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeynta Amnesty International ay soo jeedisay.

Amnesty International ayaa December 16, daabacday in dowladda Itoobiya u marmarsiyootay Qowmiyadda Oromo, ku sheegtay in ay argigixiso yihiin ay keeni karto dhibaato xagga xuriyadaha ah” sidaa waxaa sheegay Madaxa hay’adda ee bariga Afrika Muthoni Wanyeki.

Sabtidii December 19, 2015 Hay’adda Human  Rights Watch ayaa sheegtay in dowladda Itoobiya ay dishay ilaa 75 ka tirsan qowmiyadda Itoobiya, arrintaas oo ilaa iyo hadda aanay ka jawaabin dowladda Itoobiya

COMMENTS
Latest News