Gabileynewsonline.com
Guddoomiye Cirro Oo Shacabka Reer Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Marxuum Chief Caaqil Cabdinuur Cilmi Xaaji Aadan Qabile
December 23, 2015 - Written by admin

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI
Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isagoo ku haddlaya magaciisa ka Golaha wakiilda iyo ka Xisbig uu hogaamiyo ee WADDANI, wuxuu tacsi tiiraanyo leh u
dirayaa , Boqorada, Ugaasyada, Saladiinta, Cuqaasha Iyo Bah-weynta
Madax-dhaqameedka Somaliland, ehelkii, qaraabadii, qoyskii, asxaabtii & dhamaan Shacab weynaha Reer Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Chief Caaqil Cabdinuur Cilmi Xaaji Aadan (Qabile) oo ku geeriyooday maanta Magaalada Hargeysa 22/12/2015.

Gudoomiyuhu wuxu Eebe uga baryay inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo
Marxuum Chief Caaqil Cabdinuur Cilmi Xaaji Aadan (qabile) qoyskiisii iyo
shacbka Reer Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Illaahay Ha U Naxariisto Marxuumka.

Xogahayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI

Mujaahid Boobe Yusuf Ducaalle

COMMENTS
Latest News