Gabileynewsonline.com
Sulaadin iyo cuqaal ka mida beelihii maalintiii dhawayd ay dirirtu ku dhexmartay deegaanada Biciidaale iyo Dhagawaranleh oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa baaq u diray labadaas beelood ee walaalaha ah.
December 25, 2015 - Written by admin
Beelihii dirirtu ku dhexmartay deegaanada Biciidaale iyo Dhagawaranleh oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa baaq u diray labadaas beelood ee walaalaha ah.

Suldaan Cabdi Cismaan Saleebaan oo ah gudoomiyaha Salaadiinta beelaha Isaaq ee bariga Kilarka shanaad oo isagu ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa waxaa uu yidhi “waxaanu halkan baaq uga diraynaa labadaas beelood, baaqayagu baaq uun maahe waa baaq nabadeed, waa baaq runa waa baaq nabadgaliyo ,beelaha isku dhacay ismay dilin ee isdilka waxaa la yidhaaha, dilka qorshaysan, labada beelood ee walaalaha ah ee dariska ah ee iyaga laftooda laysu sheegi maaye isgaranaya ee isku dhacay isku dhucuna waa uu dhacaa laba qof ayaa isku dhaca laba beelood ayaa isku dhaca markaas waxaanu leenahay isku dhacaasi ha noqdo isku dhacaas kaliya ee yaanu intaas ka sii badan hana la joojiyo nabadgaliyadana halaga shaqeeyo”

Hadii aanu nahay beelaha aanu  kor ku soo sheegnay ee beelahaas ka mida waxaanu leenahay walaalayaal oo walaalayaal, colaadi maanta waxba tarimayso waxaa ay tartan waa la og yahay, halkaas maanta joogtaana waa Biciidaale iyo Dhagawaranleh dhexdooda, intaasna inay maanta cidi idinkaga dhimato iyo in khilaafaadka dhaco looma baahna walaalayaal”

Beeshana Danood iyo Gaashamo ayaa laga kala xukuma markaa waxaaanu maamulada labada degmo u diraynaa baaq ah, baaq ah inay colaada joojiyaan, oo maamulada meeshaas haystaa ay colaada damiyan oo nabadgaliyada ilaaliyaan anaguna beel ahaan waxaanu leenahay sidaas ay tahay in loola shaqeeyo dawlada oo arinkaas isku dhaca keenayna lagu dhameeyo nabadgaliyo iyo si kalgacal leh, wixii dhacay dhace wax danbana waxaanu Illaahay ka baryaynaa inaanay dhicin”

Wariye Mohamed mussa inji

Hargeysa

Somaliland

Gabileynewsonline.com

Hargeysa Main office

COMMENTS
Latest News