Gabileynewsonline.com
“Maanta Xamar Waxa Ay Gaadhay [In Ay Tidhaa] Ogolaan Maayo Waxa Dhuuntaada Maraya”…Muuse Biixi
December 28, 2015 - Written by admin

Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye, ahna musharraxa madaxweynenimo Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaca ka qaaday in dawladda Federal-ka Somalia ay is hortaagtay shir la doonayey in lagaga hadlo mashruuca loo yaqaanno Berbera Corridol oo Nuxurkiisu yahay hirgelinta waddooyin waaweyn oo isku xidha Dekedda Berbera iyo Magaalo xuduudeedda Tog-wajaale oo ku taalla xaddka somaliland iyo Ethiopia u dhexeeya.Capture

Guddoomiye Muuse Biixi  oo la hadlayey arday shahaadada labaad ee Master-ta ka qaadatay Jaamacadda Hargeysa, ayaa caddeeyey in shirkaas oo ay dalalka Somaliland saaxiibka la ahi iskugu yimaadeen ay Dawladda Federalka Soomaaliyeed hakisay, iyadoo ku andacoonaysa inaan la’aanteed mashruucaas la hirgelin Karin,” Addis Ababa toddobaadkan  wax aka socday shir ay iskugu tageen dalalka Somaliland daneeyaa oo ay doonayeen inay dhaqaale ku ururiyaan sidii loo hirgelin lahaa Berbera Corridol sidii loo hirgelin lahaa in Berbera dekedeeda la ballaadhiyo oo gaadiid tareen iyo midda waddo ah oo ku xidha ilaa Diridhaba.Arrintaas Somalia si cad bay isku hor isaageen oo ciidan Hubkiina oo kale sita bay u direen oo horjoogsaday kuna doodaya annagoo oggolaano mooyaane la dhisi maayo.” Ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Muuse Biixi waxa uu ku eedeeyey Dawladda Federal-ka Somalia inay caqabad ku tahay nolosha shacabka Somaliland iyo horumarka dalka, waxana uu yidhi, “ Markii hore Xamar waxa aynu isku haysanay anaa dantayda ka tashanaya, laakiin maanta waxa ay gaadhay dhuuntaada waxa maraya ayaan qabanayaa oo ma oggoli inaad noolaato.”

Mashruuca Berbera Corridor, ayaa waxa si weyn u danaynaya Somaliland iyo Ethiopia, iyadoo xukuumadda Addis Ababa ay isku dayeyso inay Dekedda Berbera ka dhigto goob ay kala soo degto caawimooyinka iyo waxyaabaha kale ee ay dibadda ka keensanayso, halka Somaliland-na doonayso in dekedda Berbera ballaadhin lagu sameeyo, isla-markaana loo hirgeliyo waddo waddo 245Km oo isku xidha magaalooyinka Berbera iyo Tog-wajaale, iyadoo lacagta ugu bandanna marti looga ahaa Midowga reer Yurub.

COMMENTS
Latest News