Published:

Minneapolis(SGN)-Gudida Fulinta Xisbiga WADDANI ee Gobolka Minnesota kulan ay iskugu yimaadeen habeenkii xalay waxa ay Xoghaye ugu doorteen Aqoonyahan Ibraahim Aadan Aw Qoobey oo kamid ahaa xubnihii ugu horeeyey ee aas-aasay Xisbiga WADDANI oo dhawaanta ku biiray qurbe-joogta Gobolkaasi Minnesota.

Xoghayahan cusub ee ay doorteen laanta Xisbiga WADDANI ee Gobolka Minnesota ayaa mudo dheer kamid ahaa xubnaha ugu firfircoon Siyaasinta dhalinyarada ah ee Xisbiga isagoo isla markaasina isla xalay xilkii kala wareegay xoghayihii hore ee laantan Mr. Yaasiin Ismaaciil Karaani oo gobolka ka dhoofaayey.

Munaasibadii Gudidani ku dooranayeen Xoghayahan cusub ayaa waxa goob-joog ku ahaa Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Jaamac (aw xoog) Gudoomiyaha Dal-weynaha Maraykanka ee Xisbiga WADDANI Marwo Idil Cali Fidhin.

ugu horeyn waxa madasha hadalo kooban kasoojeediyey Gudoomiyaha Gobolka Minneasota ee Xisbiga WADDANI Mudane C/raxmaan Daahir Aadan oo madasha kaga dhawaaqay inay Aqoonyahan Ibraahin Aadan Aw Qoobey markii ay arkeen kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa inay garteen inuu buuxiyo booska xoghayaha gobolka oo banaanaaday,

Dhinaca kale waxa isna madasha hadalo kooban oo dhiirigalin iyo xog waran ah kasoo-jeediyey Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) oo isagu munaasiban marti ugu ahaa laanta Xisbiga WADDANI ee Minneasotaisago isla markaasina ka waramay xaalada guud ee siyaasada dalka iyo sidookale aqoonta dheer ee uu uleeyahay Xoghayahan cusub ee laantu dooratay oo uu tilmaamay inuu yahay Aqoonyahan dhalinyaro ah oo si hufan u buuxin kara booskan iyo mid kasii sareeyaba.

Gabagabadii waxa iyana hadalo kooban madasha kasoo-jeedisay Gudoomiyaha Guud ee Dal-weynaha Maraykanka ee Xisbiga WADDANI Marwo Idil Cali Fidhin iyadoo isla markaasina sheegtay inay farxad weyn u tahay inay manta halkan kusoo dhaweeyaan Xildhibaan Xoog oo ay tilmaantay inuu yahay xubnaha ugu miisanka culus Xisbiga WADDANI,iyadoo sidoo kalena u hambalyeysay Xoghayaha cusub ee Gobolka Minneasota doortay oo ay ilaahay uga rajaysay inuu ku garab galo xilkaas culus ee loo igmaday

News Related