Published:

Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa booqday goobo ka mid ah kuwa dadweynuhu ku kulmaan ee degmada Axmed Dhagax iyo cusbitaalka Enda Aden ee magaalada Hargeysa fiidkii caawa.     
      

Booqashadan oo aan hore loo sii qorshayn, ayaa murrashax Muuse Biixi si kedis ah loogu dhex arkay goobaha bulshada kadib salaadii Makhrib ee caawa, gaar ahaan makhaayadda Ubaxle oo ah bar-kulan laga shaaheeyo, lagana cunteeyo oo ay isugu yimaadaan dhallinyarada iyo waayeelkuba, halkaas oo Guddoomiyaha oo uu wehelinayey Xoghayaha guud ee xisbiga Xasan Siciid ay kula shaaheeyeen dad badan oo da’yar iyo odayaalba isugu jiray, kuwaas oo iyaguna gacmo furan ku soo dhaweeyey.

Guddoomiye Muuse oo qof qof u salaamay dadkii Makhaayaddaasi joogay oo inta badan odayaasha uu garanayey magacyadooda, waxa muddadii uu fadhiyey ay is waydaarsadeen hadallo kaftan, soo dhawayn ay hal-hays u ahayd ‘Madaxweynaha mustaqbalka,’ iyo mahadnaq.

Guddoomiyaha dhallinyarada beesha degaanka Axmed Maxamed Cabdalle (Darajo), Maxamed Cali Gaas iyo Khadar Cismaan Cilmi oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa Makhaayadda Ubaxle, ayaa halkaasi hadallo soo dhawayn farxadi ka muuqato ku qaabilay Guddoomiyaha KULMIYE oo ay sheegeen inay filayeen inuu booqasho ugu yimaado, waxaanay u ballanqaadeen inay taageero buuxda la garab taagnaan doonaan ilaa uu gaadho kursiga madaxweynenimada ee dalka looga taliyo.
    
       

“Guddoomiye, halkani waa xaafadaadii, waana halka lagu xisaabtamo markay codka noqoto, waxaannuna kuu sheegaynaa in aannu diyaar u nahay taageeradaada. Gobollada kale ee dalkana waxaan leeyahay, reer Hargeysa haddaanu nahay gobonimaanu samaynay oo intii Somaliland jirtay bari iyo galbeedba madaxtinimada waddanka waanu marinay, laakiin maanta waxaannu leenahay waa Hargeys iyo markayagii.” Sidaa waxa yidhi Khadar Cismaan Cilmi.

Sidoo kale, odayaal badan iyo xubno ka mid ahaa mujaahidiintii SNM oo ay ka mid ahaayeen oday Cabdillaahi Gadh-cadde, Yuusuf Cismaan (Dhamac Tuur) iyo Muj. Shoombe, ayaa iyaguna si diiran oo qalbi furan ah u soo dhaweeyey Guddoomiye Muuse oo ay ku tilmaameen inuu yahay nin si fiican ay isu garanayaan dadka reer Axmed Dhagax, isla markaana ay ka dhaxayso kalsooni wayn oo ay ku aaminayaan codkooda.

Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Xasan Siciid oo hadal kooban ka jeediyey goobtaasi, ayaa soo dhawayntaasi uga mahadceliyey dhallinyarada iyo odayaasha.
     
      

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha, ahna murrashaxa xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka mahadceliyey dareenka soo dhawaynta loo muujiyey oo uu xusay inuu ku abuuray farxad hor leh, kadib markii uu arkay dadkii ay horeba isku yaqaaneen oo soo ururaya, soona dhawaynaya.
     
     

“Horta mid baan idiin sheegayaaye haddaanan kalsoonida Axmed Dhagax qabin mabaan doonteen meesha (murrashaxa madaxnimada dalka). Dadku intay nool yihiin khilaafku wuu iska jiraa, xisbiyaduna way iska hawl badan yihii, markaa wixii khilaaf ahna waynu dhammaysanaynaa, wax walba dhulkaynu dhigaynaa oo walaaltinimo ayeynu ku dhammaynaynaa, ninkasta oo cabanaya Dhamacow (oday Dhamac Tuur) adiga ayaa aniga dhegta i qabanaya oo xidhahayga ah, sow guddoomiyihii Balligubadle ee ugu horreeyey maad ahayn, adigaa nin walba iiga wakiil ah, idinka ayaa ii odayaal iyo xidhaba ah ee cid kale la ii doonimaayee idiinkaa nin kasta na kala qabanaya,” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Dhinaca kale, Guddoomiye Muuse waxa uu booqday cusbitaalka Edna Aden oo uu kuurgalay xaaladdiisa iyo bukaan-jiifka yaal, halkaas oo ay ku qaabishay aasaasaha cusbitaalka Dr. Edna Aden oo ka siisay warbixin guud cusbitaalka shaqadiisa, adeegyada bulshada loogu qabto iyo weliba qaybta Jaamacadiisa.

Md. Muuse iyo Dr. Edna waxay si wadajir ah u kormeereen qaybo ka mid ah kuwa bukaanku ku jiraan oo ay uga warrantay xaaladooda iyo waaxda waxbarashada jaamacadda ee Laybareeriga iyo fasallada ardaydu wax ku bartaanba.

LATEST NEWS

News Related