Gabileynewsonline.com
Qormada Dhibane Iyo Baadhitaanka Jeermis-sidaha HIV-ga Ee Dhulka Soomaalidu Degto.
December 2, 2015 - Written by admin

Horudhac:

Jeermis sidaha loo yaqaano HIV ee keena xanuunka AIDS ka , ma ahayn xanuun ku badan dhulka Soomaalidu dagto , dadkeena soomaaliyeedna ay aad u yaqaanaan. Qofka qaba ama lagu sheego xanuunkan isaga ah waa la takooraa oo bulshada oo dhan ayaa iska fogaysa, waxayna saameyn xoog leh ku yeelataa nolashiisa maskax ahaan iyo bulsho ahaanba. Wixii ka dambeeyay burburkii dawladii dhaxe ee Soomaaliya waxaa soo batay dhibaatooyinka uu xanuunku u gaystay guud ahaan qaarada Africa . Dhulka Soomaalidana kama aysan jirin ilaa haddana kama jirto wasaarad caafimaad oo awood u leh inay la socoto heerka xanuunku ka marayo dalkeena . Wixii ka dambeeyay burburkii dawladii dhaxe ee dalka ka jirtay , guud ahaan caalamka waxaa kordhay heerka wax ka qabashada jeermis

sidaha HIV , waxaana awood loo yeeshay in si fudud loo baaro , loona helo dawooyin la tacaali kara xanuunka.

Lakiin nasiib daro dadka soomaaliyeed si buuxda ugama uusan faa’iidaysanin fursadahaa , sababo dhinaca amniga iyo dawlad la’ aanta dhulka intiisa badan ka jirtay oo sabab u noqoday in uu burburo adeegii caafimaad ee jiray.

Waxaa kale oo samaysmay goobo caafimaad oo gooni loo leeyahay, kuwaa oo aan tayadooda iyo aqoontooda caafimaad intaba la hubin , cid koontarooshaana aysan jirin . waxaa dhinaca kale soo batay haayadaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa caalamiga ah ee isku dayaya inay la tacaalaan dhibaatooyinka caafimaad ee lasoo darsay bulshada Soomaaliyeed. Marka aynu ka hadlayno baadhida jeermis sidaha keena xanuunka AIDs ka ee loo yaqaano HIV ga , waxaa dhulka soomaalida looga baadhaa siyaabo kala duwan , iyadoo la isticmaalayo alaado kala duwan oo lagu ogaado in jeermis siduhu ku jiro jirka qofka.

Hadaba qormadan waxaan ugu tala galay in aan idin kula wadaago sida inta badan goobaha caafimaad ee goonida loo leeyahay , iyo haayadaha ku hawlan baadhida jeermis sidaha HIV ga ee dhulkeena jooga ay uga baadhaan jeermiska HIV . waxaan ka hadli doonaa khasaaraha , iyo faa’iidada ay leeyihiin hababkan ay isticmaalaan , iyo micnayawga laga yaabo inay leeyihiin jawaabaha kasoo baxa aaladahan ay isticmaalaan . Waxaan tusaale usoo qaadan doonaa qiso ku dhacday walaal soomaaliyeed oo ku nool magaala Muqdisho , walaalkaas oo aan ugu magac daray Dhibane ( ma ahan magaciisa sax da ah ). Ugu dambayn waxaan kusoo gaba gabaynayaa qormadan , sida ugu haboon ee qofka looga baadhi karo jeermis sidahan , iyo sida loo wajihi karo jawaabaha kala duwan ee kasoo baxa baadhitaanada lagu sameeyo bukaanada laga baadhayo jeermis sidaha HIV.

Sidee looga baadhaa jeermis sidaha HIV dhulka Soomaalidu dagto. Waxaan mudo ku dhaw 9 sano kasoo shaqeeyay goobo caafimaad oo ku yaala dalkeena Soomaaliya, anigoo ahaa shaybaadhiiste la shaqeeya haayad caafimaad oo madax banaan ahna haayad caalami ah . Muddadaa aan ka shaqaynayay isbitaalada ay haayadaasi maamusho waxaan jeermis sidaha HIV ga ka baadhi jirnay dadka raba inay

shubaan dhiig ,ama hooyooyinka uurka leh marka ay booqasho ku yimaadan goobaha caafimaadka, iyo

bukaannada qaba xanuunka qaaxada oo laga hubin jiray in jeermis sidaha HIV gu uu u dheeryahay qaaxada.

Xiligaa iyada ah waxaan raaci jirnay hab caalami ah, bukaan walbana waxaan siin jirnay jawaab la hubiyay inay sax tahay iyadoo mararka qaar saamiyadooda loo diri jiray dibada si tayo sahmin dheeri ah loogu sameeyo (quality control).

Marka aan kasoo gudbo aniga iyo qaabka aan u baadhi jiray bukaannada imaan jiray goobihii aan ka shaqayn jiray, waxaan booqan jiray isbitaalo iyo goobo caafimaad oo ku yaala dhulka soomaalidu dagto . Waxyaabaha aan ku arki jiray waxaa ka mid ah isticmaalka hal aalad oo ah kuwa lagu baadho jeermis sidaha HIV ga , iyadoo xiliyada qaarkood aan aad uga nixi jiray qaabka loo xanaaneeyo aaladaas oo aan ahayn qaabkii saxda ahaa , ee loogu tala galay in lagu xanaaneeyo ,arintaas waxaan isku dayi jiray inaan wax ka badalo , laakiin waxaa aad u yarayd saameynta hadalkaygu ku yeesho dadka markaa hawshaas gacanta ku hayo , waayo waxay u arkayeen inaanan wax awood ah u lahayn inaan shaqadooda saameyn ku yeesho , oo waxay iska wadan jireen hawlahooda caadiga Marka bukaan ama qof raba inuu dhiig shubo uu yimaado goobaha caafimaadka waxaa laga qaadaa dhiig kadibna waxaa lagu baadhaa halka aalad ee markaa la haysto ( Signle Rapid Test), kadibna waxaa inta badan loo sheega qofka jawaabta kasoo baxday halkaa baadhitaan , xanuun jirid ama xanuun la’ aan midkay doontaba ha noqotee (positive or negative). Waxaase xusid mudan in goobaha qaar sida dhawr isbitaal oo waaweyn lagu soo kordhiyay baadhitaano kale, iyo in jawaabta uu bixiyo qof loo taba baray bixinteeda (Muqisho waxaa arintaas awooda Banaadir hospital), halka isbitaalo kale oo waaweynna ay halkii aalad uun isticmaalaan jawaabtana iyada uun ku bixiyaan.

Khasaaraha iyo faa’iidada ay leedahay qaabka manta dhulkeena looga baadho jeermis sidaha HIV:

Alaaladaha laga isticamaalo gudah dalkeena si loogu baadho jeermis sidaha HIV ga, waa kuwo inta badan aduunka laga isticmaalo ee loo yaqaana , baadhitaanada dag daga ah (Rapid screening Tests) .

Aaladahan iyaga ah waxaa loogu tala galay in si fudud qofka looga baadho jeermis sidaha HIV, jawaabtana lagu siiyo sida ugu dhaqsaha badan ( waxay ku xidhantahay jawaabta soo baxdee!!! ) .

Hayaada caafimaadka aduunka ee magaceeda loo yaqaano World Health Organization (WHO), waxay qeexday in qofka aanan jawaab lagu siin Karin baadhitaan loo isticmaalay hal aaladaha jeermis sidaha HIV lagu baadho ah, Waxayna haayadu ku talisaa in ugu yaraan labo aaladood la isticmaalo si ugu yaraan jawaab loo bixin karo, hadii kale sadex aaladood la isticmaalaa ( two Rapid screening tests and one confirmatory test) . Waxaa kale oo muhiim ah in mar walba la hubiyo in habkii saxda ahaa loo baadhay saamiga bukaanka , iyo in agabka wax lagu baadhayo si wanaagsan loo xanaaneeyay .

Inta aana u galin khasaaraaha iyo faa’iidada aan idinla wadaago qisada aan qormada magaca uga dhigay, oo aah qiso ku dhacday walaal soomaaliyeed oo ku nool magaalada muqdisho. Walaalka waxaan ugu magac daray Dhibane. Dhibane waa wiil dhalinyaro ah oo ka ganacsan jiray magaalada muqdisho , wuxuu maalin maalmaha ka mid ah tagay isbitaal ku yaala magaalada muqdisho si uu dhiig ugu bixiyo bukaan isbitaalka ku jiray . Dhibane wuxuu tagay qaybta shaybaadhka halkaa oo looga qaaday dhiig yar oo loogu tala galay in lagu hubiyo caafimaadkiisa iyo nooca dhiigiisa . Baadhitaan kadib Dhibane waxaa loo sheegay inuu qabo jeermis sidaha HIV!

Baadhitaanka dhibane waxaa loo isticmaalay hal aalad oo loo yaqaano (HIV Determine), aaladan iyada ah waa aalad awoodeeda inay xanuunka sheegto ay aad u sarayso (highly sensitive ), laakiin ceebteedu waa in marar badan ay sheegto xanuun aan jirin ( false positive) . Dhibane isago aad u naxsan meel uu joogo iyo meel kalana aan kala ogayn ayuu ka tagay isbitaalkii, wuxuuna tagay gurigiisa , oo wuxuu arintii uga waramay reerkiisi , halkaa waxaa ka dhacay kala carar iyo naxdin , oo waxa Dhibane ka fogaaday dhammaan reerkii uu ka dhashay iyo xaaskii.

Dhibane wuxuu mudo bilo ah saarnaa saariir isagoo cuntada iyo cabid midna aysan ka dagin nolashiisiina ay burburtay . Dhawr bilood kadib Dhibane waxaa la geeyay goob caafimaad oo kale si loo xaqiijiyo arinka, laakiin waxaa soo baxday war faxad leh oo ah in Dhibane ka nabad qabo jeermis sidaha HIV!. Dhibane warkan farxada leh wuu aamini waayay wuxuuna tagay goob kale si looga baadho xanuunka , waxaana mar labaad loo sheegay inaanu qabin jeermis sidaha HIV. Alle mahadii dhibane waa caafimaad qabaa nolashiisiina inyar inyar ayay usoo noqonaysaa waxaana rajaynaynaa inay usii fiicnaato insha Allah.

Arintani waxay ku tusinaysa sida ay u liidato xaalada baadhida jeermis sida HIV ga ee dalkeena. Hadaba bal aan isku dayo inaan idiin sharaxo siday wax u dhaceen , maxayse tahay micnaha arintani . Anigu ma joogin goobta lagu baadhayay Dhibane , oo waxaan jaamacad ka dhigtaa hada wadanka Holland , halkaas oo aan ka diyaarinayo cilmiga caafimaadka bulshada ( Public health ) . laakiin waxaa ila soo xariiray oo iisoo sheegay qaabka ay wax u dhaceen dhakhaatiir caafimaad oo ku sugan magaalada muqdisho , kuwaa oo doonayay inaan anigoo adeegsanaya aqoonta aan u leeyahay baadhitaanadan iyaga ah uga jawaabo sida ay u dhacdo in jawaab khaldan shaybaadhka uga soo baxdo iyo waxyaabaha keena.

Hadaba waxaan inta karaankay ah rabaa inaan sharaxo arimaha noocaas ah sida ay ku dhici karaan iyo waxa sababta u noqon kara. In la isticmaalo hal aalad marka la baadhayo jeermis sidaha HIV waxay keentaa in heerka saxnaanta jawaabtu ay hoos u dhacdo , ama aadba u yaraato . Waxaa kale oo saamayn ku yeesha awooda baadhitaanka , habka loo xanaaneeyay aalada iyo in si sax ah loo maray dhammaan farsamooyinka baadhida .

Si walba ha u dhacdee mar kasta jawaab HIV laguma bixin karo , natiijo kasoo baxday hal aaladaha wax lagu baadho ah , haddii kale waxaa laga yabaa in jawaab khaldani baxdo. Faa’iido kuma jirto isticmaalka hal aad , aan ka ahayn in hadii goobta caafimaad tahay meel ganacsi ay xoogaa lacagi u baaqanayso mulkiilaha goobtaas.

Micnayawga ay yeelan karaan jawaabaha kasoo baxa aaladaha laga isticmaalo gudaha dalkeena:

Waxaa laga yaabaa inaad is waydiinayso , ninku muxuu leeyahay , ma waxaa jira wax u dhaxeeya xanuunkii ma jiro iyo wuu jiraa . waxaanse jeclaan lahaa aqoon kasta ood leedahay inaad sugto ilaa ay qormado ka dhamaato kadibna aad qiimayso qoraalkayga. Jawaabaha kasoo baxa aaladaha lagu baadho jeermis sidaha HIVga, ee loo yaqaano (Rapid Diagnostic tests or Rapid Screening Tests ) , waxay yeelan karaan dhawr micnood oo kala duwan, waxayse ku xirantahay tirade aaladaha la isticmaalay . Aan ku bilaabo sida saxda ah ee ay haayada caafimaadka aduunku ku taliso in la sameeyo , oo ah in la isticmaalo labo aaladood , oo midna awoodiisa helidda xanuunku ay sarayso, midna u gaar ahaanshiiyahiisu sarayso ( highly sensitive and highly specific tests) waxaana ka soo bixi

karo sadex jawaabood.

1. Waxaa laga yabaa ina labadda aaladoodba isku raacaan in bukaanku qabo xanuunka (both tests are positive).

2. Ama waxaa laga yabaa in labaduba ay isku raacaan in xanuunku uusan qofka jirkiisa ku jirin (both tets are negative).

3. Ama waxaa dhacda in midna xanuunka sheego midna uusan sheegin (discordant result).

Xaalada koobaad waxay u badantahay in bukaanku xanuunka qabo , laakiin waxay u baahantahay in la isticmaalo aaladaha lagu xaqiijiyo jawaabaha kasoo baxa aaladahan la isticmaalay (confirmatory tests). Jawaabta waa lagu bixin karaa natiijada kasoo baxday labadan aaladood , waa hadii aysan suurta gal ahayn in mid sadexaad la sameeyo , laakiin waa in la hubiyaa habka loo sameeyay baadhitaanku inuu yahay kii saxda ahaa , saamiga la isticmaalayna uu yahan kii bukaanka . Kadibna hadii intaasiba inay sax yihiin la xaqiijiyo waa in jawaabta bukaanka uu siiyaa qof loo tababaray inuu bixiyo jawaabaha noocaas oo kale ah.

Xaalada labaad waa xaalad ka duwan tii hore, oo bukaanka waa loo sheegi karaa inaanu xanuunka qabin, dhiigiisana waa lagu shubi karaa bukaan kale oo u baahan.

Xaalada sadexaad waa xaalada ugu halista badan oo jawaabta kasoo baxda hal aalad oo ka mid ah labada aaladood ee la isticmaalay laguma bixin karo wax jawaab ah, waxaa kaliya ee la sameyn karo marka ugu horaysa waa inaan qofkaas dhiigiisa loo isticmaalin in qof kale lagu shubo, waa haddii uu qofku doonayay inuu qof kale dhiig u shubo. Haddiise qofku u yimid in uu iska baadho jeermis sidaha HIV, waxaa shaqaalaha caafimaadka ee goobtaas jooga u furan dhawr arimood. Waa mida koobaade, inay baadhitaanka dib u sameeyay isla markaas, si ay isaga hubiyaan in farsamadooda wax ka khaldameen, haday jawaabtu tii hore la mid noqotana ay bukaanka balan kale u sameeyaan iyagoo aan u sheegayn wax natiijo ah, kadibna seddex bilood kadib dhiigiisa dib loo baadhaa si loo xaqiijiyo in jeermisku jiro in kale. Waxaa kale oo la sameyn karaa in bukaanka saamigiisa loo diro baadhitaan kale oo xaqiijiye ah ( confirmatory tests), haddii xaaqiijiyuhu sheego in xanuunku jirka ku jiro, markaa jawaabta waa inuu bixiyaa qof loo tababaray . Haddii baadhitaanka xaajiyuhu sheego in aanu jeermisku jirka ku jirin markaa qofkaas waxaa loo sheegi karaa inaanu xanuunka qabin.

Sidee ugu haboon oo looga baadhi karaa jeermis sidahan qof raba inuu dhiig u bixiyo qof kale ama bukaan raba inuu iska hubiyo jeermiska HIVga.

Sidii aan kor kusoo sheegay waxay Haayada Caafimaadka Aduunku (WHO ) ku talisaa in la isticmaalo ugu yaraan labo baadhitaannada deg dega ah ( Rapid Screening Tests ) ee lagu sahmiyo in jeermis sidaha HIV uu jirka ku jiro iyo in kale . Haddii labadaas baadhitaan midkood uu xanuunka sheego jawaabtaasi ma ahan jawaab dhamaystiran, oo waa in baadhid dheeri ah la sameeyaa (Confirmatory test). Sidoo kale haddii labaduba isku raacaan in xanuunku jiro, wali waxaa haboon in lasii hubiyo iyadoo la isticmaalayo aalad xaqiijiye ah ( Confirmatory test).

Isticmaalka hal aalad waa arin dhibaato badan leh, waayo jawaabta kasoo baxda aad looguma kalsoonaan karo.

Maxaa saameyn ku yeelan kara sax ahaanshiiyaha jawaabaha kasoo baxa aaladaha lagu baadho jeermiska HIV:

Aaladaha lagu baadho jeermiska HIV waxay leeyihiin heerkul loogu tala galay in lagu xanaaneeyo , badankoodna waa inta u dhaxaysa 2-8 degree (inkastoo ay jiraan qaar lagu xanaanayn karo ilaa 30 degree). Haddii lagu xanaaneeyo heerkul aan ahayn kee loogu tala galay waxay bixin karan jawaabo khaldan (False positive and false negative).

Sidoo kale aaladahani waxay leeyihiin halbeeg saamiga lagu shubo ah ama qiyaasta saamiga la isticmaalayo markii wax lagu baadhayo , hadii halbeegaa wax ka badan ama wax ka yar lagu shubana jawaabta kasoo baxda laguma kalsoonaan karo. Waxaa sidoo kale saamayn leh waqtiga la sugayo in la isticmaalo aalada, kadib markii qaboojiye laga soo saaro, waayo waa in mudo ilaa 30 daqiiqo la sugaa inta ay kala qabsanayaan heerkulka qolka ( room temperature), hadii la isticmaalo iyagoon la qabsan heerkulka qolka waxay ku siin karaan jawaaab aan sax ahayn. Waxaa kale oo saamayn ku yeelan kara sugnaanshaha jawaabta baadhitaanka nooca saamiga la isticmaalay .nooca saami ee ugu haboon in la isticmaalo waa dhiiga qaybtiisa loo yaqaano serum ka, haddii la isticmaalo dhiig sidiisii ah (whole blood) waxaa laga yabaa jawaab khaldan inay soo baxdo, waayo waxaa laga yabaa in muqaalka laymanka jawaabta lagu sheega inay si wanaagsan usoo bixi waayaan. Ugu dambeyntii waxaa saameyn kara jawaabaha kasoo baxa aaladahan, taariikhda dhici taanka iyo waqtiga la sugo ka hor inta aan la aqrinin jawaabta baadhitaanka , oo hadii dib loo dhigo aqrinta jawaabta waxaa soo bixi kara jawaab beena ah (mostly false positive), sidoo kale haddii baadhitaanku dhacsanyahayna jawaabta laguma kalsoonaan karo.

Gunaanadka:

waxaan kusoo gab gabaynayaa qormadan, in wasaaradaha caafimaadka ee dhulka Soomaalidu ay u istaagaan, sidii ay u yeelan lahaayeen shuruuc midaysa qaabka loo baaro xanuunkan, oo bulshadeena halis wayn ku ah, waayo wuxuu ku badanyahay wadamada dariskeenna ah , inaguna ma lihin awood sidaa u weyn oo aan ku xakamayn karno xanuunku hadii uu inagu bato , marka waa inaan ka hortag sameynaa. Waana in tababaro loo sameeyaa dhammaan shaqaalaha caafimaadke ee ku hawlan la taacaalida iyo baadhida xanuunkan. Sidoo kale waa in wasaaraduhu ay sameyaan tayo hubin joogta ah (quality control) Waxaan kaloo shaqaalaha goobaha caafimaadka kula dar daarmi lahaa inay hubiyaan adeegsiga aalado tayo leh , si ay u bixiyaan jawaabo tayo leh, loona badbaadiyo dadka dhiiga lagu shubo , iyo kuwa doonaya inay si sax ah u ogaadaan xaaladooda caafimaad.

Bixinta jawaaab HIV oo aan la hubin ama aan sax ahayn waxay yeelan kartaa cawaaqib xummo aad u weyn, waayo hadii qof aan xanuunka qabin loo sheego inuu xanuunka qabo waxay la mid tahay isagoo la dilay, haddii mid qaba inta la yiraahdo ma qabtid dhiigiisa bukaan lagu shubo iyaduna waa dil kale oo qof kale oo dhibane ah ayaa dhib kale loogu sii daray . Ugu dambayn waxaan ka codsanayaa qof kasta oo shaqaale caafimaad ah oo aqriya fariintaydan inuu hubiyo jawaab kasta oo HIV ka hor intaan lagu camal falin, hadduu arko meel si khaldan xanuunka loogu baadhayana uusan ka aamusin.

 

Qalinkii: Cabbdifataax Axmed Maxamed

Netherlands :

Tell: 0031686335285

Email: Abdifatah.abassm@gmail.com

– See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Fikirka-Aqoonyahanka/Qormada-Dhibane-Iyo-Baadhitaanka-Jeermis-Sidaha-HIV-ga-Ee-Dhulka-Soomaalidu-Degto.html#sthash.3QN7JMGA.dpuf

COMMENTS
Latest News