Published:

Hargeysa (GNO)- Qaybtii Labaad ee Qormo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay oo isku dayeysa in ay ka jawaabto su’aashaas ah, “Waa maxay sababta cilmiga ah  ee keentay in gabadhu ay ka hadal badnaato ninka?”

2. Gabadhu ninka waa ay kaga horreysaa dhinaca luuqadda iyo awoodda cabbiraadda hadalka:

Cilmibaadhiso badan oo lagu qiimaynayey awoodda gabadhu u leedahay barashada luuqadaha sheegay in gabadhu ay si weyn ugaga fiican tahay ninka. Xeeldheerayaashu waxa ay sheegeen in sababta ay gabadhu barashada afafka qalaad iyo afkeeda hooyaba ugaga fiican tahay ninku ay tahay gabadha oo da’ yari carruurnimadeeda ku bilowda hadalka, illaa qaangaadhkana ay maskaxdeedu u diyaarsan tahay in ay korodhsato cilmia afka.

Cilmibaadhistu waxa ay iftiimisay in gabadhu ay leedahay awood dabiici ah oo ay ku barato hingaadda iyo dhawaqa ereyada iyo sidoo kale carrab furnaan ay ku cabbiri karto fikirkeeda, dhinaca kalana ay u barbar socoto awood dabiici ah oo dhinaca fahamka hadalka ah. Khubarada cilmiga Sayniskuna waxa ay sheegayaan in hab-dhiska neerfeed ee gabadhu uu ka horumarsan yahay, koritaankiisuna kana hor bilaaban og yahay kan ragga kana hor bislaan og yahay, taasina ay keento in goor hore ay hadalka si fiican u cabbirto.

Haddaba sida ay culimada cilmiga bulshadu ku doodayaan arrimahaas aynu kor ku soo xusnay oo isu tegey ayaa keena in gabadhu ay ninka ka hadal badnaato, dhinaca fahamka luuqadahana kaga horreyso.

3. Gabadhu waa ay ka bulshaawisan tahay ninka:

Cilmibaadhiso kala duwan ayaa daahfuray in dhediggu tan iyo yaraantiisa muhiimad gaar ah siiyo dhisidda xidhiidhka bulsho, iyo in aanay marnaba ka bakhaylin waqtiga iyo dadaalka loo marayo abuurista xidhiidh bulsho, sidaa awgeed cidi iskuma diiddana in dhediggu ka bulshaawisan yahay laboodka. Maadaama oo ay gabadhu ka bulshaawisan tahay ninkana waxa ay taasi keentay in ay ka hadal badnaato. Dhammaad.

Source Geeska

News Related