Published:

Hargeysa(GNOSHDIRIR) Dis.02, 2015 – Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa sheegay in aanu la kulmin, wejigiisana arkin Nin la sheegay inuu xilligan ku xidhan yahay Saldhigga dhexe ee Booliiska magaalda Hargeysa oo ku eedeysan inuu Meherka iyo Fasaqaadda Dumarka fulin jiray, isagoo sheeganaya inuu yahay Wakiilka Sheekh Dirir.

Ninkan oo la sheegay inuu ka soo jeedo Soomaalida Itoobiya, ayaa Ciidammada Booliiska Somaliland ka qabteen magaalada Hargeysa, ka dib markii lagu eedeeyey inuu hawlo shareecada Islaamka la xidhiidha ka fulin jiray isagoon aqoon u lahayn, balse sheegan jiray inuu Wakiil ka yahay Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa haatan Dacwaddiisa ay qaadaysaa Maxkamadda degmada Hargeysa.

Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo oo xalay xidhiidh la sameeyey si uu tafaasiil dheeraad ah uga weydiiyo Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, arrinkiisa, isla markaana weydiiyey waxa ka jira Ninkaas iyo sida uu ula socdo, waxaanu Sheekh Maxamed ku jawaabay; “Ninkaa wejigiisa maan arkin, anigu, lamaan kulmin. Laakiin, arrinkaasi wuu jiraa, waxaanan sheegay inaanan anigu kala hadal. Waxaan maqlay in Ninkaas Ciidammada Booliisku keeneen Xafiiska shareecada, waxaana caddaatay inuu ahaa Nin is-been-farriimay, dadkiina wuu u qirtay.”

Mar aannu weydiinnay Sheekh Maxamed waxa Shareecada Islaamku ka qabto xaaladda Rag iyo Dumar la filayo inuu isu meheriyey ama fasakhaad u sameeyey, ayuu Sheekh Dirir ku jawaabay; “Horta, marka is-been-farriinkayga laga tago, qofku haddaanu aqoon Diimeed lahayn, Meherka uu sameeyo iyo fasakhaadduba ansax maaha, mar haddaanu Qaaddigii ahayn ama Waaligii Gabadha, annaguba ma samayno Fasakhaadda ee Maxkamadaha dawladda ayaannu u dirnaa, oo awood Maamul ayey u baahan tahay. Markaa, haddaanu labada midna ahayn Meherka uu sameeyaa ansax maaha, Fasakhaaddana iskaba daa.”

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo aana weydiinnay talada uu u soo jeedinayo Bulshada ee la xidhiidha arrimaha Shareecada Islaamka iyo cidda ay ka qaadanayaan, waxa uu ku jawaabay; “Arrimaha Guurku waa qaar xasaasi ah oo Ubad iyo Oori ayaa ka dhalanaya. Markaa, qofku inuu si khalad ah ku galo waa Jariimad, illayn dembi ayaa ka dhalanayee. Sidoo kale, dadka Ciqaabta mutaysanayaa waa dadka isu Meheriya laba qof oo isla soo tegay, oo Waaligii Gabadha ka soo baxsaday, Wakiilna kama noqon karo Weligeeda. Markaa, Ciqaab ayey yeelanayaan dadka arrimahaas fuliyaa. Dadkana waxaan u soo jeedinaynaa inay marka Guur yimaaddo Waalidkood la kaashadaan, haddii aanu Waalidku jirinna Qaaddiga, waa intaa taladaydu, intaa wixii dhaafsanna waxay noqonaysaa in wixii ay doonayeen iyo Guurku inuu ka xumaado.”

 

Xigasho: Himilo.

 

– See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Sheekh-Dirir-Oo-Iska-Fogeeyey-Nin-Ku-Eedaysan-In-Uu-Guurka-Iyo-Fasaqaadda-Ku-Fulin-Jiray-Been-abuur-Uu-Ku-Sheegtay-Wakiilka-Sheekha-Iyo-%E2%80%A6.html#sthash.UfXIeZqe.dpuf

News Related