Gabileynewsonline.com
Shirkada Fair Fishing Oo Soo Bandhigay Adeegyo Lagu Caawinayo Kalluumaystada^
December 1, 2015 - Written by admin

 

Shirkada Fair Fishing Oo Soo Bandhigay Adeegyo Lagu Caawinayo Kalluumaystadafair-300x238

Berbera(Tooshnews)-Shirkada Kulluunka FairFishing oo ah shirkad ganacsi oo Kalluumaysatada ka caawisa hawlaha kalluumaysi,taasi oo Kalluumaysatada  u samaysay adeegyo lacag la’aan ah.

Shirkadda Fairfishing oo sahaminteeda la bilaabaysa sannadkii 2012,kii iyadoo si rasmi ah loo furey sannadkii 2013 kii,waxaanna dhidibada u taagay dhalinyaro reer Somaliland oo ku nool dalka Darmark sida uu sheegay Jaamac Axmed Cashuur oo ka mid ah masuuliyiinta shirkada FairFishing.

“Fair Fishing waxa la saasaay sannadkii 2012, ayaa sahamintii u horeysay la sameeyay,waxaanay si rasmi ah loo furey sannadkii 2013 kii,laga aas aasay Dermark oo ay kaga dhawaaqeen dhalinyaro reer Somaliland.”

Mahad Faarah /FairFishing

Mahad Faarah oo ah Maamule ku xigeenka shirkadan ahna aasaasayaashii shirkada Fair Fishing ayaa ka warbixiyay hababka kala duwan ee ay kalluumaysatada ugu sahlaan inay soo saari karaan Kalluun badan ,heli karaanan meel ay ku kaydiyaan.

“Waa noo faraxad in masharuucan noo hiir galo, dawaladda somaliland waxay ka qaadatay qayb wayn .

Somaliland oo leh badda aad u dheer iyo kalluumaysto soo koraysa ayay shirkaddani u sahashay inay Kallumaysatadu hesho caawin casri ah.

Warbixin uu Telefishanka SomaliChannel ka diyaariyay ayaa lagu soo bandhigay  hababka kala duwan  shirkadan Fair Fishing u caawiso dhalinyarada Kaluumaystada.

Ganacsatada Kalluunka ayaa ka dareen celiyay adeegyada ay u fidisay shirkada Fair Fishing,waxaanay sheegeen  inay markii hore isticmaali jireen talaagado yaryar laakin wakhtigan ay heleen meel ay ku kaydiyaan kalluunkii.

Halkan ka daawo warbixinta oo dhammaystiran.

 

COMMENTS
Latest News