Gabileynewsonline.com
Qur’aankii Taariikhiga Ahaa Ee Laga Helay Ingiriiska Oo Faahfaahin Dheeraada Oo Xiise Badan Laga Ogaaday
January 3, 2016 - Written by admin

London (GNO)- Kitaabkii Qaddiimiga ahaa ee laga helay Rugta kaydka kutubta qiimaha leh ee jaamacadda Birmingham ee dalka Ingiriiksa oo sida uu Geeska Afrika hore u baahiyey la helay xagaagii hore, doodo adag iyo muranna ka abuuray dunida, ayaa mar kale warkiisu dhegaha ku soo noqday kadib markii la caddeeyey in ay suurtogal tahay in Kitaabkan la qoray xilli ku siman markii uu talada Muslimiinta hayey amiirkii weynaa ee Abu Bakar A-Saddiiq.

Jamaal Bin Xuweyrab oo xubin ka ah haayadda Muxammed Bin Raashid Aala-maktuum ee daraasaadka Islaamiga ah oo xarunteedu tahay magaalada Dubai ayaa mar uu idaacadda BBC lahadlay badhtamihii bishii Diisambar waxa uu sheegay in qoraalkani uu ka mid yahay ataarta ugu faca weyn ee illaa hadda laga helay Islaamka, “Waxa ay u dhowdahay in uu yahay Qur’aan la ururiyey xilligii Abu Bakar A-Siddiiq” ayaa uu yidhi Bin Xuweyrab oo intaas ku daray in Kitaabkani uu asal u noqon karo kutubta qur’aanka Kariimka ah.

Baadhitaanno aad u xeeldheer oo lagu kalsoonaan karo boqolkiiba 95.4 oo lagu sameeyey saanta uu qur’aankani ku qoran yahay ayaa xaqiijinaya in ay taariikhdeedu ku siman tahay intii u dhexeysay 568kii illaa 645kii dhalashada Ciise kadib, iyada oo la og yahay in taariikhyahannadu ka midaysan yihiin in Rasuulkeennii Muxammed (SCW) uu dhashay sannadkii 570/1kii, markii diinta lagu soo dejiyeyna ay ahayd 610kii.

Haddaba markii la sheegay in taariikhda saantan adhiga ee Qur’aankani ku qoran yahay ay taariikhdaas kor ku xusan ku siman tahay ayaa dad badani muran iyo dood geliyeen iyaga oo ka shakiyey in xilliga lagu sheegay Qur’aankan la helay iyo xilligii Diintu soo degtay aanay is waafaqsanayn oo macnuhu u muuqanayo in Qur’aankani ka horreeyey xitaa nebinimadii Muxammed (SCW), laakiin khabiirkan oo ay haayaddiisu baadhista ka qaybgashay ayaa isagu arrintaas ku fasiray in waxa taariikhdaas la shaaciyey jiray uu ahaa Saanta uu Qur’aankani ku qoran yahay. Taas oo aanay jirin wax diidaya in ay ka horreysay waqtigii rasuulka, laakiin qoraalka Qur’aanka ah ee ku qorani kama uu horreyn dhalashadii iyo soo diristii Nebiga midna.

Bin Xuweyrab waxa uu sheegay in ay u dhowdahay in Qur’aankan la qoray xilligii Asxaabta Nebigu joogtay, ama la qoray iyada oo uu Nebi Muxammed (SCW) 13 oo keliya sii mootanaa, taas oo noqon karta xilligii uu talada Muslimiinta weli hayey Abu-Bakar Siddiiq ama ugu fogaan xilligii uu Amiirka muuminiinta ahaa Cumar Bin Khadaab. Iyada oo ay weliba Xeeldheerayaasha qaarkood ka sii fogeynayaan waqtigaas, waxyaabaha ay xujaysanayaanna ay ka mid tahay farta uu Kitaabku ku qoran yahay oo ah dhigaalka Carbeed ee Al-xijaasi loo yaqaanno oo ah qaab-qoraalladii ugu horreeyey ee afcarabiga.

Baadari Ciraaqi ah oo dhashay sannadkii 1878kii ayaa Qoraalkan taariikhiga ah ku wareejiyey jaamacadda Birmingham ee dalka Ingiriiska oo doonaysay in ay xoojiso qaybteeda daraasaadka diimaha, in kasta oo aanay caddayn runteeduna, waxaa la aaminsan yahay in baadarigani uu Kitaabkan ka soo qaaday dalka Ciraaq, kadibna mar uu Ingiriiska u tacabburay uu jaamacaddan ku wareejiyey ama lagaba yaabo in uu ka iibiyey.

COMMENTS
Latest News