Gabileynewsonline.com
Warqad Furan oo ku Socota Madaxwayne A. M. Siilaanyo: Cimri Tegay Ceeb Ha Ku Sagootiyin W/Q Cabdinaasir Saacadaaale
January 3, 2016 - Written by admin

Mudane Madaxwayne way u dhawdahay in bogagga taariikhda lagaaga helo meelo badan oo guulo kuugu suntanyihiin. Waxa iyana badan madhahooyin taariikheed oo ficil iyo hadalba lahaa oo adiga aan cidi kugu mataanayn. Dhanka kalena way jiraan dad dhaliila hannaankaaga go’aan qaadashada oo ah in aad arrimaha intooda badan u magacawdo gudiyo. In kasta oo qaar kalena u arkaan uun inay tahay nooc hogaamineed oo dhib iyo dheefba leh.

Wax kasta oo laga yidhaa nooca hogaamintaada, gudiyadaa iyo taarrikhdaa hore ee aad lahayd, qof ahaan waxa ii muuqata laba ariimood oo aan is leeyahay waxa ay u baahanyihiin in aad si mugleh uga fakarto,  imika inta kaaga hadhay muddo xileedkaaga, kuwaasoo in badan saamayn ku yeelan doona nooca xusuusta ee lala xidhiidhin doono mudadii aad madaxweynaha ahayd iyo dhaxalkaagaba.

Ta koobaad waa istiraatijiyadda iyo jidka aad usii  jeexayso qaabka loo maaraynayo loo lana tacaalayo Soomaaliya oo aad mooddo in imika saamaynteedu ku sii kordhayso mandaqadda iyo dunidaba. Ilaa hadda ma muuqato istiraatijayad cad oo Somaliland uga meel taalla sida loo maaraynayo hawshan soo korodhay. Soomaaliyada iyada oo wali madaxtooyadeeda lagu ilaalinayo kaare shisheeye  hadana burinaysa ballan kasta iyo heshiiskasta oo aan gallaa waxa ay u baahantahay in lagu waajaho istiraatijayad aan ‘rajo’ kaliya iyo niyad sami ku dhisnayn ee ku dhisan aragti  dhaqaale (ganacsi), amni iyo mid siyaasadeed. Runtii waa khalad istiraatiiji ah in Somaaliland kaga jawaabto ballan buryada Soomaaliya hoos u dhigid lagu sameeyo kharashka isu socodka dadka ku dhaqan labada dal oo halkii uu markii hore ka ahaa $60 dalkugalku (visa) laga dhigo $15. Tani waa abaalgud aanay sinaba ugu mutaysan karin  Soomaaliya wacadfurkeeda soo noqnoqday.

Mudane madaxwayne, halka ay dawladdaadu 75% hoos uga dhigtay kharashka isu socodka labada dal, waxa ay ahayd in aad dib-u-eegis ku samayso xidhiidhka ganacsi iyo wada shaqaynta dhinacyada amniga ee labada dhinac.  Tusaale ahaan, Soomaaliya waxa ay leedahay sadexda shirkadood ee isgaarsiinta ee ka jira Somaaliland laba ka mid ah oo ay ku jirto shirkadda isgaarsiinta ee ugu wayni. Waxa ay Soomaaliya leedahay labada baan ee ganacsi (commercial banks) ee ka jira Somaaliland midkood;  waxa ay shirkad Soomaaliya laga leeyahay sameysaa lacagta electroniga ah (mobile money) ee ugu badan ee dhaqaalaha dhex wareegta oo aan dawladi ka warhayn xaddigeeda iyo qaabka maamulkeeda toona taasi oo si fudud u burburin karta dhaqaalaha dalka; waxa ay soo dejiyaan shirkado reer Soomaaliya ahi gaasta cuntada lagu karsado ee laga isticmaalo Somaliland ….. kuwani waa tusaalayaal kooban oo tilmaamaya sida soomaaliya ay u maamusho waaxo dhaqaale oo xasaasi ah Somaaliland gudaheeda (i.e tamarta, isgaarsiinta, maaliyadda iwm). Haa, wayjiraan dad reer Somaliland ah oo ka shaqaysta Soomaaliya waase in la eego baaqiga soo hadha marka la kala jaro waxa aan is dhaafsanno (balance of payment).

May ahayn Mudane in malaayiinka doolar ee jimce walba iyo bilkasta aakhirkeeda Xamar loo raro in waliba aad ugu darto kharashkii isu socodka oo aad ka dhinto marka ay dhismaha dekadda Berbera, dhismayayaasha jidadka iyo wadaagga khayraadka kale caqabad ku tahay Soomaaliya.

Mudane, in taango la dheelaa waxa ay u baahantahay laba qof, heshiiskuna sidoo kale. Haddii aanay cidina saalada kula fuushanayn maaha in aad adigu kalidaa is ciyaarsiiso. Soomaaliya waa ka baxday heshiisyadii intooda badan inta hadhayna waxa ay ku taamaysaa inay ka baxdo. Xamar waxa ay u baahantahay in loo dejiyo qorsho “weerar” ah oo lagula tacaalo laguna xakamaynayo ( aggressive containment strategy) kaasoo ku dhisan dhismaha gaashaanbuur caalami ah iyo dibu eegista xidhiidhka dhaqaale ee inaga dhexeeya iyo waliba madaxbannaanynta dhaqaalaheena, gaar ahaan waaxaha xasaasiga intii suuragal ah. Udub dhexaadka dhaxalkaaga waa in aad ka dhigto qaabaynta istiraatijiyadda lagula tacaalayo isbadalada ka dhacaya Soomaaliya iyada oo qayb muhiim ah ka noqonaysa  istiraatijiyadda baadigoobka aqoonsi ay Somaaliland hesho.

Arrinta kale ee muhiimka  u ah dhaxalkaagu waa sida aad u sii maarayso doorashada inagu soo foolka leh oo ah doorasho isa-saar ah (baarlamaan iyo madaxtooyo). Runtii waa qalad wayn in aan sidan laab la kaca ah dimuqraadiyadan curdinka ah ugula degdegno tijaabo tan oo kale ah.  Dhibtu maaha mid dhaqaale oo kaliya, balse dhibaatadu waxa ay noqon doontaa mid dhaqan iyo tu farsamo.  Heerka aqooneed ee dadka aad madaxwaynaha u tahay iyo dhaqankooda wax doorasho (electoral culture)  toona ma dhiirigalinayaan  in aan doorashooyin kala duwan isu saaro mar kaliya. Dhanka kalena, hadii in uun waaya aragnimada aan doorashooyinka u leenahay ay tahay ta tixgalinta mudan marka aan go’aan ka qaadanayno arimaha noocan oo kale ah, waxa aan is leeyahay jawaabtu waa MAYA!

Marka lagu daro in aan nahay umad qabyaaladdu ku xoog badantahay oo guusha iyo guul darada beelaysa, guushana aan sifudud isugu hannayn; waxa ay doorashada noocan ahi u baahantahay qorshe hufan oo lagu hubinayo in codbixiyuhu garanayo waxa uu u codaynayo iyo sida uu u codaynayaba iyada oo waxbarista codbixiyahana lagu darayo sawiro ku sabsan sida ay u codaynayaan…. in la sii dejiyo habraacyo cad oo fudud oo cobixiyuhu raacayo…. ma hal waraaq oo dheer ayaa la isticmaali doonaa mise laba kala waraaqood oo midabaysan iyo laba sanduuq oo is agyaal oo lagu kala rido?  Isa saarku saamayn intee leeg ayay ku yeelan doonaan codbixiyaha iyo tirinta codadka labadaba  marka lagu daro tirada goobaha codbixinta ee loo baahandoono, wakhtiga loo baahandoono in qofkastaa codka ku bixiyo iyo tirada shaqaalaha ee loo baahandoono si loo yareeyo saamaynta ka dhalan doonta wakhtiga codbixiyuhu ku qaadan doono codbixinta oo laban laabmi doonta marhadii laba codbixinood qofkiiba laga rabo?

Ma aha culaysada dhanka kharashka, tas-hiilaadka (logistics) iyo kuwa dhanka farsamo marka lagu daro khibrad la aanta inaga haysa arimaha caynkan oo kale ah ta warwarka inbadan oo dadka ka mid ah ku haysaa; waxaanse isleeyay dhaqankeena dhanka codbixinta oo aan wali horumarsanayn ayaa keeni doona is qabqabsi iyo muran aan cidhibtiisa la mahadin haddii aan laga sii feejignaan.

Mudane  Madaxweyne si ciddii calafku siiyo hogaanka dalka dabadaa aad ugu wareejiso dal iyo dad aan muran iyo qaylo ka aloosnayn,  waxa aan qabaa in labada doorasho la kala saaro loona soo kala hormariyo sida ay ugu kala muhiimsanyihiin horumarka iyo xasiloonida dalka. Si kastaba ha ahaatee, go aan kasta oo aad ka qaadato arrintan, waxa aan dhiiri galinayaa in si mug leh looga fiirsado sida ugu haboon uguna turxaanta yar ee loo maamuli karo doorashadan inagu soo foolka leh iyada oo tixgalin gaar ahna la siinayo dhaqankeena bulsho, ka doorasho iyo culaysyada kale oo farsamo .

Waxa aan kuu rajaynayaa in Alle ku waafajiyo talada suuban.

By. Abdinasir Ibraahim Saacadaale

COMMENTS
Latest News