Gabileynewsonline.com
Cabdikariin Axmed Mooge Oo Ka Sheekheeyay Waxyaabihii Mucjisada Ku Noqday Ee Uu Xukumadda Siilaanyo Kala Kulmay
January 6, 2016 - Written by admin

Hargeysa(GNO)January-06-2016- Cabdikariin Axmed Mooge oo dhawaan iska casilay xukumadda Siilaanyo, ayaa sharaxay aragtidiisa Madaxweyne Siilaanyo ee muddadii uu la shaqaynayay. Waxa uu sheegay in markii uu xilka ka tagayay uu muddo saddex saacdood ah madaxweynuhu siiyay oo ay wada hadlayeen. Waxa uu sidoo kale faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha madaxweyneyaashii Somaliland soo Maray ku suntan yihiin.

Cabdikariin oo lagu waraystay barnaamijka Hal adayg ee ka baxa telefishanka Horn Cable, ayaa tilmaamay in habka shaqada xukumadda iyo filitaankiisii is qaadan waayeen. Waxa uu sheegay in wasiirada xukumaddu faakihaysi ku jiraan, sidoo kalena wuxuu la yaab ka muujiyay wasiiro deggaannadooda u shaqeeya iyagoo xil qaran haya.

 

COMMENTS
Latest News