Gabileynewsonline.com
Hareertaad Daydaba Baylah Aad Ku Hafataa Taala  Q 1aad
January 9, 2016 - Written by admin

Wasaaarada  warfaafintu marka aynu ka hadlayno duwalkaka jira dunidan aynu ku noolnahay waa mid kamida haayadaha halbawlaha u ah dawlad kasta.

1991 kii 18kii may waxay ahayd markii lagu dhawaaqay gooni isu taaga iyo madax bananida Somaliland, waxa dawladii ugu horeysay ee uu gadhwadeenka ka ahaa alle ha u naxariistee marxuum C/raxmaan Axmed Cali (C/raxmaan Tuur) wasiir ka noqday wasaarada warfaafinta Somaliland alle ha u naxariistee Muj quule Aadan Dool.

Tan iyo wakhtigaasi oo haatan laga joogo mu do 25 sanoodana waxa soomaray wasaarada war warfaafinta ee somalland 17 wasiir oo ku jiro wasiirka hada xilka haya ee C/laahi Maxamed Daahir (C/laahi cukuse) sidaa daraadeed horumar intee leeg ayay ku talaabsatay wasaarada warfaafintu marka la barbar dhigo wasaaradaha  dhigeeda ah ee Somaliland? Maxay tahay se ahmida shaqo ee ay qarankasta ama dawladkastoo dunida ah u leedahay wasaara warfaafintu?

Maraaxilka kala duwan ee ay mudadaasi 25ka sano ah soo martay Somaliland oo midkastaba wakhtigiisa iyo waayihiisa lahaa ka sokow hadana la jaanqaadka haykalka dawladnimo mar heer ayuu taagnaa waxaanay wasaarada warfaafintu kala sinayd la jaanqaadka kuwa dhigeeda dawladihii kala danbeeyay ee Somaliland.

Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxay hogaaminta talada dalka la wareegtay da’tirsiga qaranimada Somaliland markuu labaanjirsaday amaba july 27 2010kii markaasiyoo uu kalabadh dadkii codkooda dhiibtay uu ku guulaystay  xadiga tirada xad dhaafka ah ee uu codkooda helay waxay marag fur cad u tahay hanka dadku ku qabo hogaamuntiisa iyo kalsoonida fulinta balanqaadkiisii waxqabad hirgalintooda.

Ha ku raagin akhriste jawaabta tuducaygan balse aragtida shakhsiga ah wuu fuliyay balanqaadkiisii ahaa waxqabadka %80 marka laga reebo wasaarada warfaafinta oo habacsanaanteeda maamul awgeed iyadu hagratay dhamaystirka %20ka ka dhiman hirgalinta hamigii waxqabka iyo horumarka ee uu lahaa madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Maxay tahay sababtu?

Sababtu waa mid ka turjumi doonta xaqiiqda balse guusha Axmed siilaanyo ku hantay talada dalku waxay meesha ka saartay jawi xamaasadaysnaa iyo siyaasado cakirnaa oo mudo dheer muxaafid iyo mucaarid loo qaybsanaa waxaana taasi bedeshay waxqabad, iyo horumar, tartan saldhigiisu yahay, waxaanay bilawgiiba bilaabeen masuuliyiinta wasaaradihii kala duwanaa ee uu magacaabay madaxweynuhu in midkastaaba dhankeeda guclo u gasho ka dhabaynta hamiga hogaamiyaha xilka u igmaday  taasiyoo meel mar ka dhigtay in haayadaha kala duwane xukuumada madaxweyne siilaanyo intooda badani dadaal dheer oo ay sameeyeen kadib lataabankaro manta midkastaa talabooyinka xaqiiqda ah ee ay dhinaca horumarka u qaaday.

wasaarada warfaafinta Intii madaxweyne siilaanyo talada dalka hayana waxa uu madaxweynuhu u magacaabay tiraba afar wasiir oo kala danbeeyay sidaa daraadeed muxuu yahay waxqabdka ay wasaarada warfaafintu ugu faani karto wasaaradha dhigeeda ah, halkeebuu se maraa ama ku danbeeyaa tacabka badan iyo dhaqaalaha xad dhaafka ah ee sanadkasta lagu daro bajadmiisaaaniyadeedkasta,idaacadii weynayd ee xukuumadu lacagta badan gali say ma shaqaysaa, hadiiba se ay shaqayso ma tahay shaqadeedu tii loo baahnaa.dhamaanba su aalahaas iyo kuwa kaloo tirabadanba waxa soo dhawaatay xiligay iman lahayd jawaabtoodu.

Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta sida magaceeda ka muuqada waa wasaarada balaadhan waxa maamul ahaan hoos yimada dhamaanba  hal abuurka iyo fanaaniinta oo ah waaxda dhaqanka sidookale waaxaha warfaafinta iyo wacyi galintu waa halbawlaha wasaarada waxaana maamul ahaan hoostaga Radio hargeisa,Tvga qaranka, wargayska dawan,iyo wakaalada wararka ee solna.

Waxa ka hawlgala guud ahaan wasaarada warfaafinta in kabadan 650 shaqaala ah kuwaasiyoo isugu jira rug cadaa ka hawlglayaybshaqada wasaarada iyo ka danbeeyay ninba wakhti uu yumaadaba u heelan hiigsiga midba midka uu ka horeeyay.

Qormada danbe waxa aynu ku faaqidi doonaa qaab dhismeedka shaqada iyo shaaqaalaha

Xasan shaah@gmail.com

COMMENTS
Latest News