Gabileynewsonline.com
Dadkii u xunaa Dilkii Ruqiya Siciid Ayaanle isbadal ku yimid iyo elel keedii oo Cabasho ka muujiyey
January 10, 2016 - Written by admin

Dadkii u xunaa Dilkii Ruqiya Siciid Ayaanle isbadal ku yimid iyo elel keedii oo Cabasho ka muujiyey

Burco(GNO) Ehelada marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle oo sanadkii 2014 si fool xun loogu dilay magaalada Hargeysa islamarkaana lagu xabaalay ayaa sheegay in wax laga bedelay xukunkii ku dhacay dadkii wakhtigaasi loo qabtay arrintan, islamarkaana maxakamaddaha dalku ku xukumeen dilka.

Ehelada oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Burco waxay sheegeen inaanay aqbalayn in dadkii dilka ku xukunnaa la kala saaro xilli in ku dhaw laba sanno dacwaddaasi soo jiitamaysay, waxayna ku baaqeen caddaalad, haddii la waayo ay talaabo qaadi doonaan, waxaanay xukumadda ugu baaqeen inaanay dadka isku dilin.

 

COMMENTS
Latest News