Gabileynewsonline.com
“Madaxweynaha Su’aalo Lama Waydiinayo..” Xildhibaan Nacnac
January 10, 2016 - Written by admin

Hargeysa(GNO)January-10-2015- Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo ka tirsan aqalka wakiillada ayaa difaac ka galay in madaxweyne Siilaanyo maalinta bari ah la waydiiyo wax su’aalo ah. Madaxweynaha oo bari khudbad sannadeediisa u jeedinaya labada gole baarlamaan ayaa marka uu khudbaddiisa dhammaysto islamarkaana waxqabadkiisa iyo qorshihiisa soo socda sheego ka bixi doona golaha iyadoo aan wax su’aal ah laga waydiin.

 

Mudaneyaal wakiillada ka tirsan ayaa fadhigii maanta ee golaha ka soo jeediyay in mudaneyaasha loo ogolaado inay madaxweynaha khudbaddiisa iyo xaaladdaha waddanka su’aalo ka waydiiyaan, balse mudaneyaal muxaafadka ah ayaa arrintaasi ka soo horjeestay kuna dooday in la dhegaysan doono, balse aan waxba la waydiin doonin.

 

COMMENTS
Latest News