Gabileynewsonline.com
Madaxweyne Siilaanyo Oo Qiimaha Dhaca Shillin-ka Somaliland la Xidhiidhiyey Adeegyada Zaad-ka iyo E-Dahabka
January 12, 2016 - Written by admin

Madaxweyne Siilaanyo Oo Qiimaha Dhaca Shillin-ka Somaliland la Xidhiidhiyey Adeegyada Zaad-ka iyo

lacagta sarifka Shillinka Somaliland ee gacanta u gashay Ganacsatada, Bangiyada, Xawaaladaha iyo Jaadwalayaasha ayaa qayb ka ah qiima dhaca

 

Hargeysa(GNO) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Markii ugu horeysay ka hadlay Sixir bararka Maceeshada  iyo Qiimo dhaca Shillinka Somaliland, Waxaanu Qiray in Lacagta Shillin-ka Somaliland gacanta ay u gashay Ganacsatada waaweyn ee Bangiyada, Xawaaladaha iyo Jaadwalayaasha, isla markana ay wax ka qabban doonan.

Madaxweynaha ayaa Sidaasi ka hor sheegay mar uu qudbad dhinacyo baddan taabanaysay ka Jeedinayey Fadhigii Wadda jirka ahaa ee Labbada Golle. Madaxweyne Siilaanyo oo Arrimahasi is-dul taagay waxa uu yidhi. “ Qiima Dhaca Iyo Isticmaalka  Shillinka Somaliland: Dalkasta oo dunida ku yaal wuxuu leeyahay calan iyo cumlad u gaar ah. Lacagta Qarankani uu leeyahay waa Shillinka Somaliland. Waxaa hubaal ah in lacagteenii uu ku yimi qiimo dhac, ka dib markii ay suuqa iyo seyladda ganacsiga ku cidhiidhyeen lacago qalaadi. Taasi waxay keentay in lacagteenii ay soo ururto isticmaalkeedu. Haddaba, si aynu uga badbaadno dhibaatooyin siyaasadeed, dhaqaale iyo lacagteena oo sii qiima beesha. Waxaa xukuumadayda ka go’an in ay xaqiijiso arrimahan: 1)  Waxaannu suurto gelinaynaa in lacagta Shillinka Somaliland noqoto cumlada rasmiga ah ee wax lagu kala iibsado. Waxaa waajib ah in bulshadu wax ku kala iibsato ama wax isku weydaarsato lacagteena, dhamaan Goobaha Ganacsiga sida Huteelada, Dugsiyada Waxbarashada, Suuqyada kala duduwan, Seyladaha Xoolaha iyo wixii la mida. 2)  Waxaa bartilmaameed inoo ah in qiimaha sarifka dollarka ee Shillinka Somaliland la gaadhsiiyo 6,000 oo Shillin. 3)  Waxaannu xoojinaynaa isla markaana dardar  gelinaynaa Awoodaha Baanka Dhexe ee Qaranka, si uu u xakameeyo sicir bararka iyo sarifka lacagaha. 4)  Waxaannu ku gudo jirnaa diyaarinta iyo daah furka daraasad  qotodheer oo lagu xaqiijinayo in adeega Zaad-ka iyo E-Dahabka ku shaqeeya lacagta dollar ka ah ay qayb ka yihiin qiimo dhaca Shillinka Somaliland. 5)  Sidoo kale, waxaa daraasadaa lagaga gun gaadhi doonaa in lacagta sarifka Shillinka Somaliland ee gacanta u gashay Ganacsatada Waaweyn ee Bangiyada, Xawaaladaha iyo Jaadwalayaasha ay saamayn ku leeyihiin ama qayb ka yihiin qiima dhaca Shillinka Somaliland. Arimahan aan kor ku soo sheegnay haddii  cilmi baadhistaasi si dhab ah u xaqiijiso, waxaa lagama maarmaan ah  in aanu go’aamo adag ka qaadano si loo helo xal waara. 6) Waxaannu Shirkadaha iyo Shacbi Weynaha Somaliland ku dhiiri-galinaynaa in ay lacagta dalkooda ku isticmaalaan adeegyada casriga ah ee Zaadka iyo E-dahabka. 7) Waxaannu dhiiri gelinaynaa in dalka ay yimaadaan Maal-gashadayaal, Shirkado Ganacsi iyo Bangiyo Caalami ah, si dhaqaaleheenu u kobco. 8) Si aynu u helno lacag adag oo dalka ku soo noqota, isla markaana loo yareeyo wax yaalaha la inoo soo dhoofiyo, waxaan ku dhiiri-gelinayaa shacbigayga in ay xooga saaraan Wax Soo Saarka, Dalaga  Beeraha, Shaqa Abuurka, Xoolaha Nool, Beeyada, Kalluunka iyo wixii la mid ah, kuwaas oo ah khayraad alle inagu manaystay bad iyo berrina dhulkeena buuxiyey. 9) Waxaan Shacbiga Somaliland u damaanad qaadayaa in aanay is dhex geli doonin hantida Qaranka keyd ka u ah ee Bangiga Dhexe ka mas’uulka yahay, iyo hantida ay xukuumadaydu isticmaasho. Arrintani waxay ka hortag iyo xal waara u tahay in aanay suuqyada hafin lacago dheeraad ku ah Shillinka Somaliland, taas oo aan dawladda dakhli ahaan u soo gelin ama aanay xoogsan”Ayuu Yidhi Madaxweynuhu.

COMMENTS
Latest News