Gabileynewsonline.com
Gabooyoow Codkaaga Ha Isku Ciiline Qaado Kaarka Diwaan Galiinta Muwaadinimada Somaliland ‘’By-Barkhad Xaaji Cabdi ‘’MrGaboye’’
January 13, 2016 - Written by admin

 

ASCWWB/Waxaan marka hore idiinku salamay salaanta islaamka dhamaan bahda warbaahiinta reer Somaliland ee madaxa banaan madaxda iyo masuuliyiinteeda iyo dhamaan akhristayasha sharafta iyo qiimaha mudaan ..

Salaam ka dib waxaan halkaan Baaq uga dirayaa dhamaan Muwaadiniinta Beelaha Gabooye ee reer Somaliland anigoo ugu baaqayaa inay ka qayb qaataan kaararka diwaan galiinta dhalashada muwadiinnimo ee cadaynaysa qofkasta oo u dhashay jamhuuriyda Somaliland taas oo ah qodob dastuuri ah inuu qofkasta oo muwaadiin ahiiba xaaq u leehyahay inuu qaato kaarka dhalashada muwaadinimada Somaliland taas uu uu xaaq u leehyahay muwaadiinkasta oo kaarka qaataa inuu xaaq u leehyahay qaadashada kaarka doorashada somaliland isagoo si xoor ah u dooraankara xisbiguu raboo ee daantiisu ku jirto waxaan markaa ugu baaqayaa inay kaarka diwaangaliinta muwaadinimo qaataan muwaadininta beelaha gabooye ee reer Somaliland.

Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa muwaadiniinta beelaha gabooye ee reer Somaliland inay ka fiirsadaan taariikhii madoobaa ee hore inaga soo maray doorashooyiinka Somaliland taasoo ina dhaxalsiisay qasaaro iyo dhibaatooyin fara badaan oo codkeenii aynu ku guuldareysanay inaynu u codaaynay cid aan danaheena ka taliin iyo xisbii aan daanteena wadiin waxaana wanaagsan inaynu cashar ku qaadano wixii inaga soo maray doorashooyinkaas ,Taas oo aynu codkeena isku ciilnay inagu kuna guuldaraysanay inaynu lix da gobol ee reer Somaliland codkeena ka soo saari waynay xaata hal xildhibaan markaa waxaan manta idiinku baaqayaa inaynu isku duubni iyo wada jir codkeena iskugu tashano xisbiga daanta umadeenu ay ugu jirtoo oo aynu si wada jiraa xisbigaa codkeena u siino inagoo heshiis kala saxeexanayna xisbiga saamiga iyo masiirka umadeena gabooye xaaq ugu leehdahay waraaqo cadayna waxaan mar labaad ugu baaqayaa muwadiniinta beelaha gabooye inaynan maanta CODKEENA ISKU CIILIN EE AYNU KU CIIL BAAXNO CODKEENA OO MUDA OO AYNU UGU TASHANO CODKEENA XISBIGII DAANTENU KU JIRTO..

Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa baryahan waxaad ku arkaysaa baraha internetka dad u xuub dhacsaday inay umada gabooye kala fogeeyaan oo ay Naac iyo xumaan ku wadaan beesha gabooye dadkaas oo aan u arko qaar SAAXIIBUL KAAF AH oo aad moodo inay hada soo tooseen lana soo baraarugeen naac iyo naaxlii vires ah ay ku wadaan midnimada beesha gabooye oo ka talinayaa xumaan iyo hadimada beesha gabooye in laga diigtonado oo dhaan looga soo wada jeesto dadkaa u xuub dhacsaday naaca iyo xumaanta beesha ee saaxiibuul kafka iyo moogayaasha ah waxaanan ugu baaqaya inay ka waantoobaan xumaantaas iyo dhiibka ay ka dhex wadaan midnimada beesha gabooye ..
Wabilaahi toowfiiq…

Qore’’Gudoomiyaha Beelaha Gabooye ee Reer Somaliland Ee Waqooyiga Maraykanka .
Barkhad Xaaji Cabdi ‘’Mrgaboye’’
Email; abokoriye1@hotmail.com
Ontario Canada

COMMENTS
Latest News