Gabileynewsonline.com
Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi “Obama” Oo U Gacan Qaaday Askari Ka Tirsan Booliska Oo Sharci Darro Ku Qabtay.
January 14, 2016 - Written by admin

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi “Obama” Oo U Gacan Qaaday Askari Ka Tirsan Booliska Oo Sharci Darro Ku Qabtay.

Hargeysa(GNO) Jan.14, 2016 – Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi(Obama)oo kamtirsan golaha wakiillada Somaliland, ayaa maalintii shalay dagaal gacan-ka-hadal ah ku qaaday askarti katirsan ciidamada nabadgeylada waddooyinka oo ku sugnaa goob uu ku xidhnaa agabka gaadiidka kala haga oo uu xildhibaanku u hoggaansami waayey.

Xildhibaan Obama, ayaa abbaaro 11:00-kii duhurnimo ee shalay jiidhay ishaarada casaanka ee muujisa inaanay gaadiidku socon Karin mar uu kasoo baxay xarunta golaha wakiillada, isaga oo sidoo kale gaadhigii uu watay jiidhsiin gaadhay askari taraafi ah oo ku sugnaa goobta uu sharci debijinta ka sameeyey.

Wariye katirsan Wargeyska Hubaal oo goob-joog ahaa xilliga arrintani dhacaysay, ayaa indhihiisa ku arkay baabuurka mudanahan oo waddada ka gudbay xilli uu guluubka casi baxayey, waxana askarigii isku dayey inuu weydiiyo sababta uu sidaas u sameeyey uu kula kacay gacan ka hadal muuqda, isagoo markii dambena gaadhiga xoog ku dhaqaajiyey xilli uu askarigu hortiisa taagnaa, iyadoo askarigiina baabuurka dhinac uga booday.

Xildhibaanka, ayaa intaas kadib gaadhigiisa si xoog ah u kexeeyey, waxana askarigii dhibtu gaadhay qaaday oo ka daba geeyey gaadhi kale oo dirawalka saarani marag ka ahaa sharci jebinta xildhibaanku sameeyey, iyadoo mudanaha gefayna lagu gaadhay barxadda hore ee ee Deeromall oo gaadhigiisa hor dhigtay.

Askarigii dhibtu gaadhay, ayaa mar labaad dul tegay baabuurka xildhibaan Obama, waxase si degdeg ah daaqadda isaga furay Xildhibaan Obama, isla-markaana dagaal cad askarigii ku bilaabay waxana kala dhexgalay xildhibaan Qabille oo ay wada socdeen, iyadoo dadweyne tiro badan oo wariyaha Hubaal kamid yahayna ay goob joog ahaayeen. Xildhibaan Obama oo haatan guddoomiye u ah guddi-hoosaadka wakiillada ee la dagaallanka musuqa iyo dabagalka hantida qaranka, Ayaan goobta la imanin wax aan ahayn dagaal iyo inuu gacantiisa ula tago askarigii uu hore naftiisa halista u geliyey, waxana uu ku dhawaaqayey erayo ay ka muuqato inuu gacantiisa kalsooni ku qabo, isla-markaana aanu wax raalligelin ah ka bixinaynin gefka sharci ee uu sameeyey iyo waliba dhibaatada uu askariga qorraxda taagan kula kacay. Saraakiil sare oo ciidamada ilaalada waddooyinka ka tirsan, ayaa goobta yimi, waxana goobta laga kexeeyey askarigii dhibtu gaadhay iyadoo aanu xildhibaankuna wax raalligelin ah bixinin, waxana indhaha wariyahayagu qabteen xildhibaanka iyo saraakiisha ciidankaas katirsan oo ku faqaya dhinaca waqooyi ee Deeromall. Ma jirin wax tallaabo ah oo laga qaaday Xildhibaanka kibirka iyo gefka caddaanka ah ee la wada arkayey kula kacay askriga qorraxda taagan, waxana mudanahani ku taxaashayaa xorriyad iyadoo aanay jirin wax dacwad ah oo xattaa laga geeyey xarunta taliska ciidamada Nabadgelyada waddooyinku. Waxa xusid mudan in mudanahan ku dibiro dhacsaday askariga iyo sharciga uu dejintiisa ku magacaaban yahayba uu bishii mushahar ahaan si nadiif ah u qaato lacag dhan $20000(laba kun oo dollar)marka laga tago gunnooyinka iyo lacagaha uu fadhiyada gaarka ah ku qaato, halka Askariga saacadaha badan dartii dabaysha iyo cadceedda u taagani u xaadiro wax ka yar $100(dollar)oo deelqaafkaas iyo kibirkaasi u dheer yahay.

Masuuliyiinta ammaanka ayaa looga fadhiyaa inay baadhitaan qoto dheer ku sameeyaan qaladka uu mudanahani ka galay sharciga dalka iyo waliba askarigan muwaadinka ahba, waxana haddii taas la waayo dhici karta inay meesha ka baxdo daacadda iyo niyad wanaagga ciidamada nabadgelyada waddooyinku haatan ku shaqeeyaan.

 

Xigasho: Hubaal

COMMENTS
Latest News