Gabileynewsonline.com
Maxaa Xaawa looga abuuray feedhii Nebi Aadam? (Dumarku waa inay ku faanaan in feedh qalloocda laga buuray!) W\Q: Maxamed Sharma’arke
October 3, 2016 - Written by admin

Xaawa waxa laga abuuray feedh qalloocda. Feedhuhuna waa kuwa wadnaha iyo jidhka qaybihiisa muhiimka ah ilaaliya! Miyaad garanaysaa sababta? Sababatu waxay tahay, Ilaahay wuxuu u abuuray dumarku inay qalbiga Ilaaliyaan. Shaqadii Xaawa ee ugu weynayd waxay ahayd Ilaalinta qalbiga! Waayo waxa laga abuuray meel ay qalbiga saamayn kaga yeelan karto! Haddii aan Xaawa laga abuuri lahayn feedhaas qalloocda ee qalbiga ilaalisa, dhaawaca ugu yar ee soo gaadha qalbiga Nebi Aadam wuxuu sabab u noqon lahaa inuu Nebi Aadam dhiig baxo, dabadeed uu sidaas ku dhinto (Dhiig baxu ma’aha kii caadiga ahaa, waa arrimaha dunida ka soo wajaha, haddii aanay Xaawi la qaybsanayn, nebi Aadam muu noolaadeen), Sidaas awgeed Xaawa waxa uu Ilaahay ka abuuray feedhaas, si ay qalbiga u ilaaliso. Feedha Xaawa laga abuuray maadaama oo ay qalloocdo, waxay qalbiga ka ilaalinaysaa labada jihaba, dhanka hore iyo dhanka dambeba, haddaanay sidaas ahayn, dhaawaca ugu sahlani wuu galaafan lahaa noloshii Nebi Aadam. Sidaas awgeed, Xaawa iyo dumarkuba, waa inay ku faanaan in laga buuray feedh qalloocda!

Iyada oo uu sababay asalkii abuurku, gabadhu waxay la dhaqmaysaa caadifadaha qalbiga, waxay noqonaysaa hooyo xannaano badan, walaal naxariis badan, inan’ (inanta aad dhashay) kalgacal badan, iyo xaas dhego-nugul! Dhinaca kale, Aadam waxa laga abuuray ciid ama carro, waxaanay taasi saamayn ku yeelatay noloshiisa wixii uu qaban lahaa. Wuxuu la macaamilayaa dhulka, beeraha ayuu qodanayaa, guriyaha ayuu dhisayaa, biraha ayuu ka shaqaynayaa iwm. Sidaas ayaanuu asalkii abuurku saamayn ugu yeeshay noloshii Xaawa iyo Aadam.

Qore: Maxamed Sharma’arke

Sharmaake91@gmail.com

2

COMMENTS
Latest News