Published:

In kabadan 160 qof oo kale ayaa qaraxyadaasi ku dhaawacantay.

Qaraxa ugu horreeyay ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday bas ay wateen ciidamada booliska ka hortagga rabshadaha oo yiilay bannaanka kore ee garoon kubadda cagta lagu cayaaro, waxa uuna dhacay saacad uun kaddib markii halkaa lagu soo gaba-gabeeyay cayaar.

Daqiiqado kaddib qarax kale oo ismiidaamin ah ayaa waxa uu ka dhacay goob ka ag dhow garoonka oo baabuurta la dhigto.

Rasaas ayaa dhacday kaddib markii uu dhacay qaraxa labaad.

Wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi ayaa sheegay in toban qof loo soo xiray qaraxyadaasi.

Weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugan magaaladaasi Istaanbuul ayaa sheegaya in weerarkaasi lagu tuhunsan yahay kooxda gooni u goosatada ee Kurdiyiinta, kuwaasi oo laamaha ammaanka ka dhigtay bartilmaameed tan iyo markii uu burburay heshiis xabbad joojineed muddo haatan laga joogo sanad iyo afar bilood.

Weerarkii ugu dambeeyay ee ugu dhimashada badnaa ee ka dhacay magaalada Istanbuul, ayaa ahaa bamkii lala eegtay bishii June garoonka diyaaradaha, kaa oo lagu eedeeyay in ay geysteen kooxda isugu yeerta dowladda Islaamka

News Related