Published:

26/01/201Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Xaaji Axmed Dhabar oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 26/01/2017, Magaalada Burco.

Madaxweynaha qaranka Somaliland waxa uu marxuumka ku sifeeyey Masuul qaranka ka baxay kana mid ahaa dadkii sida weyn uga soo qayb qaatay halgankii gumaysiga lagaga xoraynayey dalka iyo kuwii aynu dib ugala soo noqonay madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo door muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii beelaha Somaliland ku wada dhaqan.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

  Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Xaaji Axmed Dhabar oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 26/01/2017, Magaalada Burco.

News Related