Gabileynewsonline.com
Guushii xisbiga kulmiye oo 4 afar bilood ka hadhay by maxamed jeex
July 8, 2017 - Written by maxamed jeex

Guushii xisbiga kulmiye oo 4 afar bilood ka hadhay  by maxamed jeex

Dalka somaliland waxaa ka jira sedex xisbi qaran oo kala ah kulmiye ,wadani & ucid dhamaantood waxay doonayaan inuu mid walba midka kale ka guuleysto,

Hadaba markaad eegto sadesdoodaba ee aad la kaashato aqligaaga waxaa kuu soo baxaaya in xisbiga kaliya ee aad maanta aad ku aaminikarto dalkan & isku haynta dalka uu yahay xisbiga kulmiye oo ah xisbi la arkay wuxuu u qabtey dalkiisa & dadkiisaba.

Xisbiga ucid isaga waad aragtaa xaaladiisa siyasadeed iyo halka uu gudoomiyiisa ka tuuray. Waddanku wuu u baahanyahay xisbiyo badan oo si dimuqraadi ah u tartama. Waxadse modaa in uu ucid ku haftay siyaasada waxa arrintaas ka masuul gudoomiyaya xisbiga.

Xisbiqga waddani dhamaan shacbiga reer somaaliland waxa ay ka dharagsanihiin ama ogyihiin in uu yahay xisbi ay u taliyaan musdambeedka beesha uu gudoomiye ciro ka soo jeedo.qabiil ahaan, qabiilna qaran ma noqdo mana sheegan karo xisbi siyaasadeed madama ay taladu reer qudha ku kooban tahay.

Sidaasi awgeed ayaan u leeyahay xisbiga kulmiye guushiisa waxaa uga hadhay 4 afar bilood,sababta oo ah soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa waxa ay indho arkayaan ayey ilkana gooyaan. Kulmiye waan ognahaywaxtar weyn ee inta uu taladda dalka hayey soo kordhiyey taas oo ayna cidin dafiri karin. Waxa aan shacabkasoomaaliland kula talinayaa in ay dhamaantood tageero buuxda siiyaan xisbiga kulmiye si sanadaha soo socda kulmiye waddanka intuu uu u sooqabtay sadex laabkeed uu ugu kordhiyo sanadaha socda. Soomaalidu waxa aytidhaahdaa qabyo inkeed baa dhamaystira,markaa wixii qabyo inaga ahaan kulmiye ayuunbaa dhamstiiri doona.

Siyaasad ahaan inuu yahay kulmiye xisbi qaran marka aad dhanwalba ka eegto, oo ay ku dhanyihiin ama ku midaysan yihiin dhamaan shacabka ku nool ama dagan soomaaliland oo dhan , waa xisbi lagu aamini karo dalkan SL markaasi waxaan leeyahay oo aan ku buurinayaa shacabka reer SL iney codkooda ugu hiiliyaan xisbiga kulmiye.

Aalaa mahad leh
By maxamed jeex
Brussels Belgium.

COMMENTS
Latest News