Shir weynaha beelaha maxamed-case ee ka socda dalka BELGIUM oo laga filaayo guulo waàweyn.by Ahmed jama
August 25, 2017 - Written by maxamed jeex

Shir weynaha beelaha maxamed-case ee ka socda dalka BELGIUM oo laga filaayo guulo waàweyn.by Ahmed jama

Shir weynaha beel weynta maxamed case ee ka bilowday 25/08/2017 ayaa galey maalintii 3 sadexaad shirkaasi oo ay iskugu yimadeen qurbo joogta & qolqol joogta beelaha MC.

Wararka naga soo gadhaaya shirkaasi ayaa waxay sheegayaan in beelaha MC ee ugu degaanka balaadhan beelaha gadabuursi uguna tunka weyne gobolka awdal,salal & galbeedka gabiley ayaa waxay sheègayaan iney ka hadlayaan arimo aad u balaadha oo ku saabsan musdaqbalka degaankooda & ka siyaasadaba.

Xaga siyaasada beelaha MC waxay ku heshiiyeen iney sibuuxda u tageeraana xisbiga kulmiye ee ay murashaxa ka yihiin muuse biixi cabdi & Abdirahman Abdilahi saylici waxa kale oo ay beelaha MC ay ku heshiiyeen iney ilaaliyaan dadka laga tirada badan yahay ku dhexnool degaan kooda ayna ilaalin donaan awalbana ay dhawri jireen imikana ay si ka fiican u dhawri donaan.

Waxa kale oo beelaha MC ay isla garteen iney wixii ka qaldama xaga xukumada ay si hoos ah u dhamaystaan uguna sheegaan wixii qalad ah oo arinta aanan la weyneyn ,intaasi waxay wararka aan ka heleyno BELGIUM waxay tilmaamayaan in beeshu ay wax badan oo ay ka fileysay aaney helin laakiin hadana ay garab taagan tahay xisbiga kulmiye.

Xaga dhaqaalaha beelaha MC waxay sheegayaan in ay yihiin dad degan dhul aad u balaadhan ,awdal ,salal & galbeèdka gabiley,hadan dawladu wax sidaas ah kamay qaban sidaasi darteed waxaa xukumada laga codsanayaa iney dhulkaas marshuucyo waaweyn ay ka fuliso.
Beeshu waxay gudo & dibadaba ay fareysaa iney dadku isku duubnadaan dalkoodana dhistaan horumarkana ay ka qayb qaataan si umada dhaqaalaheegu isku badalo.

Beelaha maxamed case waxay soo dhaweynayaan dhamaanba beelaha ay ood wadaagtayihiin ee ay isku siyaasada iyo aragtida yihiin ee Habar awal,beeshu waxay intaasi raacisay in beelaha ay siyaasada xulafada ku yihiin sida beelaha Habar cafaan,Habar Jeclo , Habar- awal ,Harti & Makahiil intaba ay ictiraam weyn u hayaan soona dhaweynayaan.

Guntii & gaba gabadii BMC waxay shacabka reer somaliland ugu baaqyaan iney taageeraan xisbiga wax qabadka ee kulmiye si wadankeenu uu u dhismo.

Wixii warar ah ee ka soo kordha shirkaasi beelaha maxamed case waan inila soo socodsiin doonaa haddii alle idmo.

Wabilaahi tawfiiq Ahmed jama
BRUSSELS BELGIUM.

COMMENTS
Latest News