Jawaabtii Mareeyaha Hargiesa Airtport waxay ceeb ku ahayd milgaha Dowladnimo. By Cabdi Ayaanle
September 7, 2017 - Written by admin
Jawaabtii Mareeyaha Hargiesa Airtport waxay ceeb ku ahayd milgaha Dowladnimo. By.
Waxa dhawaan ka dhacday Hargiesa Airtport fal fool xun oo haweenay ilma yar wadatay oo ku safraysay Diyaarada Flydubia ee Imaaradka laga leeyahay laga soo rogay diyaaradii iyadoo lagu eedeenayo inay fadhiisatay kursi ayna lahayn oo qofkale oo rakaabi uu u badalay. Dhacdadaas oo aad looga hadlay uuna soo tabiyay Wasiirka Hawlaha Guud Mr Cali Mareexaan isagoo sida uu inoo sheegay isku dayay inuu xaliyo arinka balse ku guul daraystay, aakhirkiina gabadhii diyaaradii laga reebay isaguna uu go’aansaday inuu ka dago diyaarada isagoo niyad wanaag u muujinaya ama ka xun xaqdarada lagu sameeyay muwaadinadaa isa sidatay ee u socdaalaysay wadan fog lagana yaabo inay u qorsheeysnayd inay diyaarad kale sii raacdo ilaa wadankii ay ku socotay ee UK. Waxa hadaba, dad badan layaab ku noqotay jawaabahii kakana ee ay ka bixisay Wasarada Duulista iyo Hawada oo u badnaa mid ay ku difaacayeen shirkada Flydubia falkaa foosha xun ee lagula kacay Muwaadinada iyadoo laga yaabo sida afkooga kasoo baxday inay dhacdadan oo kale Muwaadiniin badan ku dhacdo maalinkasta laakin ayna cidna ka war hayn. Waxaa taas kasii darnayd shirkii jaraa’id ee Mareeyaha Hargiesa Airtport uu sida caadifadaysan uu uga hadlay isaga oo aflagaado iyo meel ka dhac u gaystay muwaadinkii ka dhiidhiyay xaqdarada gabadhaa lagu sameeyay ee waliba xilka qaranka u haya ee aan mustawahiisa ahayn inuu u jawaabo ama si anshax daro ah uu ugu tilmaamo jaahil.

Dhacdooyinkan is dhexyaaca iyo nidaam daradu waxay ceeb ku tahay  haykalkii Dowladnimo oo maalinba maalinta ka danbeeysa meesha kasii baxaysa iyadoo aad arkayso Masuuliyiin si bilaa anshaxa oo ka fog afka Diblimaasiyada iskugu jawaabaya isla Maamulna ka tirsan. Muwaadinadaa xaqdarada lagu sameeyay waxa la gudboon inay kiis dacwadeed ah ka furato Maxkamadaha dalka ama Wadanka ay dagan tahay si ay magdhow iyo raali galin uga hesho Shirkadaa tacadiga ku samaysay ee ka faa’iidaysanaysa  nidaamdarada Dalka ka jirta ee lagu tumanayo xaquuqdii Muwaadiniinta.

Waxa kale oo usoo jeedinaynaa Wasiirka Duulista iyo Hawada Farxaan Adan Haybe inuu talaabo sharciya ka qaado Mareeyaha Madaarka Hargiesa ee haykalkii Dowladnimo dhaawacay hadii aanu isaguba soo istaadhin ama aanu kuba xidhnayn cid isaga ka awood badan. Way dhacdaa in qof rakaabi uu ku fadhiisto kursi aan loosii qorshayn ama aam boodhin baska (Boarding Pass) uga qornayd hadii uu ka codsado shaqalaha Diyaarada ama qof rakaabka ka tirsan oo ay kursiga isku badalaan. 2006 aniga oo ku safraya Diyaarada Egypt Airline ayaa Shaqalahi Diyaarada ka codsaday in Qof Somali ah oo Diyaarada la socday uu agtayda soo fadhiisto si aan inta safarka lagu jiro sheekada usii wadaagno waano naga aqbalay. Markaa maaha in lagu tilmaamo sharci daro hadii kuruusta laysku badalo waliba hawanaydaasina waxay sidatay ilmo yar oo waxay mudnayd in il gaara lagu eego oo aan Wadankeegii gudahiisii lagu dulmiyin.

Illahay xaqa ha garansiiyo inta mamulka  haysa ee aad moodo in ay ka siman yahiin damiir xumada iyo ku tagri falka amaanadii ay Qaranka uga masuulka ahaayeen.

Abdi Ayanle Abib.
Kingdom of Belgium

COMMENTS
Latest News