Buug cusub oo ka hadlaya qaybaha jidhka (Qore, Cabdiraxmaan Xaashi Cabdi)
September 10, 2017 - Written by gabiley office

buugga qaybaha jidhka nr 8

Buugga qaybaha jidhka

Xog u saabsan buugga Qaybaha Jidhka oo aan dhawaan soo saaray

Waxaan marka hore caddaynayaa in aanu buuggu ahayn qaamuus erayada caafimaadka u macnaynaya afsoomaali. Buuggu waxa ka dhigay mid aad u weyn sawirka 3D laakiin waa 120 bog, jeldiguna ma adka. Buuggu waa sida hoos ku qoran:

QAYBAHA JIDHKA
Buuggan waxa uu ka hadlayaa ama sharaxayaa qaybaha jidhka iyo shaqooyinkooda, waxaanu ka bilaabayaa qaybta ugu yar ee ah unugga waxa uu uga sii gudbayaa nudaha ilaa xubnaha. Buuggu waxa uu mid mid u dul is taagayaa habdhisyada jidhka sida, Dheefshiidka, Neefsashada, Kaadi-mareenka, Dhiigga, Dareen-wadayaasha iyo Taranka. Buuggu waxa kale oo uu ka hadlayaa abuurka ilmaha iyo marxaladaha uu soo maro ilmuhu.
Buuggan waxa loogu talogalay ardayda dhigata caafimaadka, sayniska, shaqaalaha caafimaadka iyo macalimiinta goobahaas wax ka dhiga iyo qof kasta oo doonaya barashada qaybaha jidhka.

Waxaan filayaa in dadkii wax iga waydiiyey buugga ay warbixintaas ku qanci doonaan, waxaan marwalba diyaar u ahay in wixii su’aalo ah ee buugga la i soo weydiiyo.

E-mayl: Abdirahman@caafimaadka.com

Abdirahman72@hotmail.com

COMMENTS
Latest News