WAR-SAXAAFDEED : URURKA MIDAYNTA BEELAHA SOMALILAND WUXUU SI MUGLEH U TAAGEERAYA DAR-DARANKI ADKAA EE SULDAAN CABDILLAHI SULDAAN CALI.
October 4, 2017 - Written by admin
 
Ururka Midaynta Beelaha Somaliland wuxuu  si mug  leh  u taageerayaa  talooyinkii miisaanka lahaa ee Suldaanka Guud ee Beelaha Habar Jeclo, Suldaan Cabdillaahi Suldan Cali  u jeediyay guud ahaan Bulshada Somaliland gaar ahaana Beelaha Biciide  oo shirkoodi ku qabsaday   dooxada Dagaar, Gobolka Sanaag.
1). Suldaan Cabdillahi Suldaan Cali wuxuu sheegay in nabadgelyadu  tiir dhexaad u tahay horumarka iyo jiritaanka qaranimada Somaliland   shacabkana wuxuu kula taliyay   inay  codkooda siiyaayn Xisbiga  adkaynaya nabad gelyadda iyo xasiloonida Somaliland. Wuxuu sheegay inay shacabku nabad rabaan oo aanay colaad rabin.
2). Suldaan Cabdillahi Suldaan Cali wuxuu kula taliyay Beelaha  Biciide ee shirka qabsaday  inay  la midobaan oo iskaashadaan  beelaha   kale  ee ay  daaq  &  deegaanba  wadagaan. Wuxuu ku booriyay   inay ka  shaqeeyaan horumarka  Gobolka Sanaag  oo  si wadajir ah u dhistaan  Deked iyo wadooyin .
Tallooyinka   uu Suldaan Cabdillahi Suldaan Cali soo jeediyay waxay bud-dhig   u yaheen ujeedooyinka loo unkay  Ururka Midaynta Beelaha Somaliland , siiba beelaha wada dega Goboladda Bari. Ujeedooyinka Guud ee Midnimo waxa ka mid ah :
  1) Horumarinta  kaabayaasha dhaqaalaha ee Gobolada  Bariga Somaliland ; diyaarinta   daraasado “ feasibility studies” ku salaysan sidii loo samayn lahaa maalgashi wada jir ah sida wax soo-saarka beeraha ; warshadaha yar-yar; Naaxinta xoolaha nool; Kalluumaysiga, Dalxiiska iyo  Samaynta shirkado ganacsi.
2) Ka qayb qaadashada  dhamaystirka mashruucyada qabyada ee Gobollada Bari siiba   jidka Erigavo-Burco- Hargeisa.
3). Samaynta Hay’ado Samofal ah “ NGO’s.
4)  Samaynta Guddi Cadaadis “ Pressure Group” oo Xukuumadaha Somaliland  culays ku saara inay  si  cadaalad ah   ugu  qaybiyaan Gobollada Bari  & Galbeedka  Somaliland, mashruucyadda horumarinta ,kaabayaasha dhaqaalaha, mucaawinooyinka dibedda  iyo adeegyadda bulshada.
5) Dhiirigelinta  is-hexgalka  , iskaashiga  iyo isbarashada bulshada rayidka ah  ,siiba dhalinyarada, Aqoonyahanka , Culimaa’diinka, Madax-dhaqameedka  iyo Haweenka.
6 )  Ilaalinta  Qaranimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.
Haddii aanu nahay Ururka Midaynta Beelaha Somaliland, waxaanu ku balan qadaynaa inaanu xoojino oo taabo gelino  tallooyinka daxalgalka ah ee Suldaan Cabdillaahi Suldaan cali, oo kasoo jeeda Saldanad Facwayn , iskana fogeeya siyaasadda & saxaafadda.
Wa bilaahi Towfiiq.
URURKA MIDAYNTA BEELAHA SOMALILAND.
ALI IBRAHIM “ BAQDAADI”,  TORONTO.
GUDOOMIYE KU XIGEENKA  MIDNIMO.

COMMENTS
Latest News