Published:

 13-ka bisha Saadaashu Sey tahey Siraadatey oo Socotey Somaliland.Tan iyo 2001-dii, markii Somaliland afti shacab ku go’aansatey qaadashada nidaamka axsaabta badan, waxa waddanka ka hirgaley laba doorasho dawladaha hoose, oo kala qabsoomay 2002-2012, doorashadii Golaha Wakiillada 2005-tii iyo laba doorasho madaxweyne oo dhacay sannadihii 2003-2010.

Haddaba inkastoo doorashooyinkan is dabajooga aha ka turjumayaan qaangaadhnimada iyo biseylka dimuqraadiyadeed ee ka tisqaadey geyiga Somaliland, haddana doorashadan sedex maalmood ka dib shacabku u dareeri doono waa mid aad uga duwan kuwii hore oo dhan. Sababaha ay doorashadan uga duwantahey, ugana miisanka culus tahey kuwii hore, waxa keeney arrimo dhowr ah oo is biirsadey oo kala ah xaaladaha dalka gudihiisa ka jira, farsamooyinka cusub ee doorashada loo adeegsanayo iyo duruufaha siyaasadeed iyo colaadeed ee  mandaqada ka taagan:

 Waa marka hore, waxa aad looga deyrinayaa xaalada gudaha dalka, marka loo fiirsado arrimaha deegaanka, shaqo la’aanta, sicir bararka, dhaqaale xumada iyo wada jirka bushada Somaliland. Waddanku wuxu ka soo kabanayaa abaar baahsan oo dad iyo duunyoba diif ku reebtey, xukuumada soo socotana waxa looga fadhiyaa qorshihii degaanka ay noloshu ku tiirsantahey lagu badbaadin lahaa iyo sidii abaaraha dambe looga gaashaman lahaa. Dhalinteena oo ah aqlabiyada dalka waxay muddo dheer daris la tahey rajo la’aan, intoodi ugu aqoonta badneydna waxay ku dhamaadeen tahriib iyo silica saxaraha. Xukuumada iman doontaa waa in ay muhiimada kowaad siisaa sidii ay u abuuri laheyd qoshayaal soo nooleeya rajada dhallinteena, si mustaqbalka dalku hilin toosan u qaado, himilada aynu muddada dheer hiigsaneynaana hirgasho. Dhanka kale, sicir bararka xadhka goostey ayaa saameyn weyn ku yeeshey danyartii dalka. Inkastoo sicir bararku saameeyey dunida inteeda badan, haddana waxa inaga inoo dheer oo sii xoojinaya qaabdhismeedka dhaqaalaheena. Waxa maanta la soo gaadhey wakhtigii xukuumada maalmo kadib dhalan doonta dejin laheyd qorshe dhaqaale oo la jaanqaada dunida casriga, si illaha qadhaale ee soo xereeya lacagaha adag( hard currency) loo badin lahaa iyo sidii dhiig baxa dhaqaale ee qaadka Ethiopia inooga yimaad wax looga qaban lahaa. Nasiib wanaag Mashaaricda DPWorld ee balaadhinta Marsada Berbera waa kuwa arrimaha dhaqaale xumada wax weyn ka tari doona haddii si haboon loo maamulo. Dhibaatooyinkaas guddaha dalka ka jira waxa kale oo inoo sii dheer kooxo abaabulan oo dalka ka dhex wada isku dir iyo kala fur-fur bulsheed, waana siyaasiyiin rubuc qarni ka hor, Somaliland oo curdin ah falalkan oo kale isku deyey. Nasiib wanaag umey hirgelin oo waxa si geesinimo leh uga horyimid madaxdii wakhtigaa amaanka dalka u xilsaarneyd, maantana nool.

Doorashadan Waxa kaloo ay kaga duwantahey kuwii hore arrimaha caalamku Jamhuuriyadda Somaliland ku majeertay, oo ah in diiwaangelintii codbixiyeyaasha lagu galay qalab dhif iyo naadir ku ah adduunka, isla markaana ay noqotay waddanka kaliya ee Afrika oo dhan u adeegsaday  diwaangelinta codbixiyeyaasha farsamada casriga ah ee loo yaqaan “Iris-recognition software”. Laura Hammond oo daraasaadka caalamiga ah ka dhigta jaamacadda  Soas-University ee London, kana mid ah goobjoogeyaasha badan ee caalamka ka yimi ayaa dhawaan tidhi “Indhaha caalamka oo dhan ayaa eegaya doorashada Somaliland. Haddii doorashadan ku dhammaato si wanaagsan waxay muujin doontaa awooda iyo  qaangaadhnimada siyaasadeed ee Somaliland gaadhey,  oo ah  wax dawladda Muqdisho ee Soomaaliya riyo uun ku ah inay hawaystaan doorasho noocan oo kale ah”

Arrimaha guddaha iyo farsamooyinka loo adeedsadey diiwaangelintii codbixiyeyaasha marka laga yimaad, waxa kale oo doorashadan kaga duwan tahey kuwii hore duruufaha siyaasadeed iyo colaadeed ee  Mandaqada ka taagan, oo haddii aan aad looga gaashaaman dumin kara keydkii iyo asadkii Somaliland ku soo tabacdey muddada rubuc qarniga ay jirtey.  Maanta waxaan shaki ku jirin in khilaafka siyaasadeed ee waddamada Khaliijka sii murgayo, waxaana dhawan si toos ah khilaafka ugu soo biirey wadanka Iraan oo khatar gaar ah u leh nabadgelyada Somaliland. Wadanka Iraan ayaa beryahan dambe galaangal siyaasadeed ka wada wadanka aynu deriska nahey ee Ethiopia, sida u sheegey wargeyska AfricanIntalligence, Hossein Amir-Abdollahian, Agaasimaha waaxda Bariga Dhexe iyo Afrika ee Wasaarada Arrimaha Debada ee Iraan ayaa in muddo ahba safaro isdaba joog ah ku taga Addis Abada, Xarunta Ethioipia. Dawlada Ethiopia ayaa iyaduna dhankeeda dhawaan ka furtey Jaamacada  Addis Ababa University kuliyad lagu barto dhaqanka iyo luqada Pershianka ah ee lagaga hadlo wadanka Iraan. Isu soo dhawaanshahan siyaasadeed ee dhex marey Iraan iyo Ethiopia ayaa sida la sheegayo walaac xoogan ku abuurey Wadanka Isu taga Imaaraatka ee shirkadiisa DPWorld maamusho Marsada Berbara. Dhanka kale waxa sii xoogeysanaaya hargdaamoyinka qarannimada Somaliland ka dhanka ee laga soo maleegayo wadamada deris qaarkood, oo aad uga maseyrsan horumarka dhaqaale ee ifaafaaliisu soo muuqdo.

Arrimahaas oo dhan ee guddo iyo dibad ah iyo khatarha amni ee ay xambaarsanyihiin marka loo fiirsado, waxaan shaki ku jirin in Doorashadan aad uga duwantahey kuwii hore, Somalilandna u heelan tahey Hogaamiye ka samatabixiya. Waxaan sidoo kale shaki ku jirin in murashaxa Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, yahey hogaamiyaha qudha ee maanta leh diyaargarowgii loo baahnaa, khibradii siyaasadeed iyo kartidii go’aan qaadasho ee uu Somaliland kaga samatabixin lahaa intaas oo khataro ee ku xeeran dalkani Afrikaan ah ee curdinka ah.

Waa Bilaahi Towfiig,

Maxamuud-Yaasin Cabdilaahi Ciro

Brussels,

Belgium

mederka@hotmail.com

News Related