Geeddi-Socodka Hannaanka Somaaliland, Xaggee Hayaanku Foolka Ku Hayaa? Qaybta 6aad, Dhalan Roggidda Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo Abuurista Siyaasad Cartamaysa. Qalinkii Xassan Cumar Hoorri
December 25, 2017 - Written by admin

Geeddi-Socodka Hannaanka Somaaliland,

Xaggee Hayaanku Foolka Ku Hayaa?

Qaybta 6aad, Dhalan Roggidda Siyaasadda Arrimaha Dibedda

iyo Abuurista Siyaasad Cartamaysa.

Qalinkii Xassan Cumar Hoorri

Sida aan ku soo sheegnay qormodii tan ka horreysay, waxaa dalkeenna looga baahan yahay in uu la soo ifbaxo siyaasad cartamaysa (aggressive) oo lagu maareeyo arrimaha dibedda si loogu kasbado dawladdo innagu taageera aqoonsiga. Ka sokow in aan buuxinay shuruudda caalami ee qaran iskiis isugu taagi kara, waxaa kaloo aan aslaaxinnay nabad taam ah iyo dimuqraadiyad hana qaaday. Tiroba 7 jeer ayaa, si nabad ah, shacabku ugu dareereen sanaadiiqda doorashada marka lagu daro codayntii aftida distuurka. Hase ahaatee, waxaa muuqata intaas oo dhan in ay goyn kari waayeen ictiraafka uu haybinayo dalkeennu.  

Runtii, waxaa innagu gudban dal tiisii u taag waayay, haddana, sheeganaya sharciyadda lagu maamulayo waxaa uu ku sheego &Gobolada Waqooyi& ee Somaaliya. Afgumaysigaa naca ah waxaa ku raacsan ururada Midowga Afrika (AU), Midowga Dalalka Islaamka, Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay (UN). Tilmaam, waxaan u soo xiganayaa go’aamada, Fadhigii Wasiirada Arrimaha Dibedda ee Jaamacadda Carabta, Qaahira, Masar 2012; Golaha Amaanka ee QM S/RES/2093 2013; iyo Guddida Nabadaynta iyo Nabadgelyada Midowga Afrika PSC/PR/COMM. (CDLXII) Addis Ababa, Ethiopia 2014 kuwaasoo dhammaantood taageeraya midnimada &Somaaliya&. Sidoo kale, dhowr iyo toban shir nabadeed oo lagu yagleelayay dawlad Somaaliyeed waxaa Somaaliland looga arkayay gobol ka mid ah Somaaliya iyagoo u jeeday in aanay qayb ka ahayn shirarkaas, haba yaraatee (Bryden 2004, 25).

Intaa waxaa dheer, dalalkii martigeliyay shirarkaa sida Jabuuti, Kenya, Ethiopia, Masar, Uganda iyo urur goboleedka IGAD, mar qudha, laguma gorfeyn Qadiyadda Somaaliland. Waxaana caado ahayd in la fogeeyo si loo qaddar jebiyo dhawaaqa goonni-isu-taagga (Johnson 2009, 33). Shirarkaa waxaa ka hirgashay aragti la isla qaatay colaadda ka oognayd Somaaliya in ay ka mudan tahay Qadiyadda Somaaliland. Intooda badan waxaa ay door bidayeen in laga wada hadlo gooni-isu-taagga marka laga faraxasho nabadeynta Somaaliya si aanu aqoonsigu carqalad ugu noqon. Haddaba, waxaa is weydiin mudan madax-bannaanida Somaaliland waxyeelada ay ka abuuri karto Somaaliya, Jabuuti iyo Ethiopia oo ahaa meelaha ugu ba’an ee ay ka ruqaansan weyday Qadiyadda Somaaliland.

Durdurrada aqooneed (school of thoughts) qaarkood waxa ku soo arooray aqoonsiga Somaaliland inuu jidka u jeexi karo Somaalida Ethiopia, kol haddii distuurka Ethiopia uu jideynayo in ay goonni isu taagi karaan, markastoo ay sidaa dan moodaan. Durdurro kale waxaa ku soo arooray Ethiopia in ay ku rayraynayso sidaa xaalku uu yahay maanta iyo in ay ugu badiso Somaaliland aan la aqoonsan iyagoo haddaba kula jira heshiisyo nabadeed, isdhaafsi xogeed, ganacsi, iyo isu socodka gaadiidka (Huliaras 2002, 170).

Ehiopia, ilaa hadda, ma aanay damcin in ay aqoonsato Somaaliland. Hase ahaatee, waxaa ay ku afgobaadsataa arrintaasi in ay u taallo Somaalida (Bryden 2004, 177). Isla markaa, Jabuuti oo dhowr jeer gogol nabadayn u fidisay Somaaliya, waxaa ka soo yeedhay dhawaaqyo lagu taageeray israaca Somaalida ((Johnson 2009, 49). Waaxaana lagu soo dhisay xukuumaddii Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Haddaba, waxaa isweydiin leh, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ka dhergsan Qadiyadda xaqa ah ee Somaaliland waxaa ku kelifay inuu af iyo adinba ugu hiiliyo midnimada Somaaliya oo uu isaguba ka tashaday. Dalka Jabuuti isagoo ka eegaya danahiisa ganacsi, waxaa uu aminsan yahay dabka ka baxaya Suezka Masar iyo kan ka iftiimaya Mombasa, kenya, inuu saddex ku ahaado, keliya, dabka Dekedda Jabuuti (Helander 2000). Markaa, ujeedadu soo ma noqonayso in albaabada loo xidho Dekedda Berbera?

Dalka Eritrea, oo isaguna ka soo xidhig furtay midnimadii Ethiopia, waxaa laga filayay in uu taageero cid kastoo u ololaysa madax-bannaani ay xaq u leedahay. Hase yeeshee, siyaasadda cusub ee dalkaa waxaa ay ku qottontaa in laga gaabsado cid kastoo u hanqal taagaysa in ay qaadaan jidkii ay iyaguba soo mareen. “Asmara ma doonayso in loo arko mid kala goynaysa dalalka Afrika, sidaa darteed, Midowga Afrika (AU) waxaa aanu la wadaagnaa mawqifka adag ee lagu daadufaynayo Somaaliland iyo dal kastoo la mid ah&, sidaana waxaa yidhi danjire reer Eritrea ah (Huliaris 2002, 169). Isla markaa, dalalka Uganda iyo Burundi waxaa ay dan ku qabaan ka mid noqoshada ciidamada nabad ilaalinta ee ku sugan Somaaliya. Mana rabaan in ay lumiyaan xidhiidhka ay la leeyahiin Muqdisho.

Dalka Masar ee saamaynta ku leh Geeska Afrika, waxaa uu xidhiidh qotto dheer la leeyahay Somaaliya. Siyaasad-degaanka (geopolitical) dalkaa, waxaa ay u darban tahay colaad soo jireen ah oo ay kula ficiltamayso Ethiopia. Sidaa awgeed, Masar waxaa ay ka soo horjeedaa madax-bannaanida Somaliland oo ay u arkayso in ay garab iyo gaashaan u noqonayso Ethiopia (Defense and Foreign Affairs 2006, 7). Had iyo jeerna waxaa ay ku taamaysaa midnimada iyo xoojinta Somaaliya si ay ugu adeegsato colaadda tariikhaysan ee Somaaliya iyo Ethiopia (Farley 2010, 811). Masar waxaa ay gacan weyn ka geysatay sidii Jaamacadda Carabtu u aqoonsan lahayd dawladahii Somaaliya, isla markaana, Carabtu in ay Somaaliya ka kaalmeeyaan dhinacyada dhaqaalaha, farsamada iyo miletariga (Bryden 2004, 176).

Hase ahaatee, dalka Kenya, waxaa uu yahay dalka keli ah ee Geeska Afrika oo si cad u taageeray qaranimadeenna. Inkastoo uu gogol nabadeed u dhigay Somaaliya, isla markaana, lagu soo falkiyay xukuumaddii AUN Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf Axmed, 2006, dalkeennu waxaa uu ka gaabiyay mudnaanta ay lahaayeen iyagoo muujiyay astaamo horseed ka noqon karaya aqoonsiga Somaaliland.

Haddaba, 2011, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda ee Kenya, Richard Onyonka, waxaa uu madal ka sheegay dalkiisu inuu soo dhoweynayo madax-bannaanida Somaaliland. Isla markaana, waxaa uu ugu baaqay dalaka Midowga Afrika in ay si rasmi ah u aqoonsadaan (Somaliland Sun, May 21, 2011). Odhaahda ka soo yeedhay Kenya oo laga midha dhalin karay waxaa dhayalsaday siyaasadda arrimaha dibedda ee xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud &Siilaanyo& oo markaa saanad jirtay. Mar kale, 2014, xukuumadda Kenya waxaa ay soo dirtay wafdi u socday in ay Hargeysa ka furaan xafiis xidhiidh diblomaasi (Somaliland Sun, May 25, 2014), hase yeeshee, fursadaana waxaa lumisay xukuumaddii joogtay. Sidoo kale, dhowaan, 13 Jul, 2016 – Ra’iisal Wasaarahii hore ee Kenya, Raila Odinga, waxaa uu ka sheegay aqalka Chatham House, London, inuu soo dhoweynayo aqoonsiga Somaaliland. “Anigu shakhsi ahaan waxaa aan si weyn u taageerayaa aqoonsiga Somaaliland,” ayuu sheegay Odinga oo xilligaa u taagnaa murrashaxa madaxweyne ee Kenya.

Dhanka kale, Qaramada Midoobay (UN) iyo dalal badan oo Afrikan ah ayaa aminsan, marka hore, in loo maaro helo arrimaha isku murugsan ee Somaliya ka dibna in si fool ka fool ah looga wada xaajoodo sidii loo kala tegi lahaa. Aragtidaas oo xujo ku ah Somaliland waxaa ku lammaan fikirka in arrinta looga danbeeyo Afrika. Sidaa darteed, sannadkii 2000 mar ay xukuumadda Somaaliland aqoonsi weydiisatay dalka Faransiiska, danjirahii u fadhiyay Jabuuti waxaa uu ku soo warceliyay, &bal ka warrama haddii dalalka Afrika ay aqoonsan lahaayeen Croatia, Slovenia, ama Bosnia iyadoo Yurub aanay diyaar u ahayn aqoonsigooda& (Bryden 2004, 176). Sidoo kale, Ra’iisal Wasaarahii hore ee Britain, 2007, waxaa uu tibaaxay, “siyaasadda dalkayagu, muddo dheer, waxaa ay ahayd Somaalidu in ay ka tashadaan  aayahooda iyo in dalalka deriska iyo Afrika horseed ay ka noqdaan aqoonsiga waxii ay ku heshiiyaan” (Bradbury 2008, 255).

Hase ahaatee, safiirkii Maraykanka u fadhiyay Ethiopia (2002-2005), Danjire Aurelia E. Brazeal waxaa ay qabtay ictiraafka Somaaliland inuu soo dedejin lahaa nabadeynta Somaaliya iyo in laba dal wax ku qaybsadaan si cadaalad iyo xurmo leh iyadoo mid kastaaba iskiis u taagan yahay. Waxaa ay saadaalisay kaalinta weyn ee aan cid kale buuxin karayn oo Somaaliland ay ku yeelan lahayd Somaaliya nabad ah, xasilloon oo mar kale lugaheeda isku taagta.

Waxaa kale, oo ay sii odorostay in aan la baciidsan karayn, xilli danbe, labada dal in ay dib ugu midoobaan si siman oo rabitaan ku jiro. Danjire Brazeal waxaa ay tidhi, “wax la fogeysto ma aha in ay suurtagal tahay Somaaliland xor ah oo laga aqoonsan yahay Afrika in ay, mar danbe, soo jeediso midnimada Somaaliya iyagoo wada nabday” (ICG No. 66, 2003).

Mar danbe, November 2014, xukuumadda Somaaliland waxaa ay ka codsatay Faransiiska in ay Qadiyadda Somaaliland u bandhigaan Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay. Hase yeeshee Safiirkii u fadhiyay Kenya, Remi Marechaux, waxaa uu ku soo warceliyay, &Midowga Afrika (AU) oo keliya ayaa galka Somaaliland soo hordhigi karo Golaha Amaanka& (Somaliland Sun Nov. 8, 2014).

Haddaba, Qadiyadda Somaaliland ma aha arrin ugub ah balse sida ka muuqata dhacdoonyinka aan kor ku soo tibaaxnay, waxaa ay eersatay debaca siyaasaddeenna arrimaha dibedda ee aan is dhalan roggin. Muddo 27 sannadood ah weli waxaa aad moodaa xukuumadahii hore in ay ku qanacsanaayeen maaweelo, marrarow iyo madaxa salaax. Taasina ma ahayn siyaasaddii dalku ku hanan lahaa ictiraafka. Sidaa awgeed, waxaa laga sugayaa Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in ay curiso siyaasad cartamaysa oo lagaga guuro siyaasadii ma dhalyska ahayd ee inna soo daashatay muddada dheer.  

Rubuc Qarni ka dib weli waxaa sii shaqaynaya isla aragti soo noqnoqotay oo lagu daadufaynayay  Qadiyadda Sharciga ah ee Somaaliland. Taasi waxaa ay ceeb ku ahayd dalalka hore u maray iyo Afrikaba. Waxaana ay ahayd gabbood-fal lagu duudsiyay 3.5 malyuun oo reer Somaaliland ah iyadoo aanay jirin eed ay galabsadeen oo loogu wadar ciqaabo. Weli ciddii aaminsan in la isu hojiyo Somaaliland iyo Somaaliya waxaa hubaal ah in ay yahiin danaystayaal ku yididiiloonaya burburka Somaaliya, isla markaa, ku taamaya isla jidkaa in ay qaado Somaaliland. Sidaa awgeed, shacabku waxaa ay ka sugayaan Madaxweynaha cusub ee ay u han weyn yahiin in uu miiska u garaaco waxii ay xaq u leeyahiin isagoo ku xisaabtamaya kuwa uu ictiraafka martida uga yahay in ay aad uga nugul yihiin. Waxaa habboon wada-xaajood gar cadaawe ah inuu ku bilaabo Ethiopia, Jabuuti, Kenya iyo Somaaliya. Isla markaa, inuu Imaaraadka iyo Sacuudiga ku qanciyo in ay la riixaan qadiyadda. Diblomaasiyadda ayaa ah wada xisaabtan, danaysi, wax kala iibsi iyo in wax la isugu hanbeeyo kolba sidii la isugu lisay.

Ugu danbeyntii, arrinkeennu ma ha mid loo caal waayay, balse, waxaa dhiman xeeladdii lagu furdaamin lahaa. Waxaa ay ahayd Masar iyo Suuriya (1958-61), Mali iyo Senegal (1960), Senegal iyo Gambia (1982-89) dalalkii ku midoobay sidii fududayd ee aan ku galnay Somaaliya. Hadda, mid kasti, waxaa uu la soo noqday xornimadii marin habowday. Sidoo kale, waxaa aan aad loo aqoon midnimadii Rwanda iyo Burundi (1962) iyo Cape Verde iyo Guinea-Bissau (1975), kuwaasoo si nabad ah ku kala noqday iyadoo aan waxba loo dhimin Midnimadii Afrika. Haddaba, si aan uga tilmaam qaadano, qormada soo socota, waxaa aan ku qaadaa-dhigi doonnaa xidhig-furashadii iyo xornimada Koonfurta Sudan oo haddii sharciga caalamka loo raaco, xaqba aan u lahayn in ay ka go’do Sudan, balse, rag ka taliyeen, Rabbina ajiibay.

La soco Qaybta 7aad, Xadhig-furashadii iyo Xornimadii Koonfurta Sudan (Cashar Mudan In Laga Tilmaam Qaato). Xassan Cumar Hoorri (Machadka Dimuqraadiyadda Geeska Africa-HID), Suxufi ka faallooda umuuraha Geeska iyo B/ Dhexe. Kala xidhiidh hassanhorri@gmail.com ama #horrimania.

COMMENTS
Latest News