Geeddi-Socodka Hannaanka Somaaliland, Xaggee Hayaanku Foolka Ku Hayaa? Qaybta 7aad, Xadhig-furashadii iyo Xornimadii Koonfurta Sudan, Cashar Mudan In Laga Tilmaam Qaato. Qalinkii Xassan Cumar Hoorri
December 28, 2017 - Written by admin

Geeddi-Socodka Hannaanka Somaaliland,
Xaggee Hayaanku Foolka Ku Hayaa?
Qaybta 7aad, Xadhig-furashadii iyo Xornimadii Koonfurta
Sudan, Cashar Mudan In Laga Tilmaam Qaato.
Qalinkii Xassan Cumar HoorriKoonfurta Sudan, dalka ugu da’da yar bahweynta caalamka, waxaa uu dunida ku soo biiray 9kii July, 2011, ka dib markii bishii January shacabku 95% u codeeyeen goonni-isu-taagga. Aftidaa waxaa oggolaatay xukuumaddii Sudan. Isla markaana, waxaa goobjoog ka ahaa urur goboleedka IGAD. Labada dhinac ee xukuumadda iyo Jabhadda SPLM ee u diriraysay xornimada waxaa lagu dhexdhexaadiyay in la madax-banneeyo K. Sudan, haddii shacabku uu u codeeyo goonni-isu-taagga. Hase ahaatee, xeel-dheerayaasha sharci ee u kuur gala arrimaha goonni-isu-taagga, waxaa ay aaminsan yahiin K. Sudan in aanay buuxin sharciyaddii caalami oo looga baahnaa dal madax-bannaan. Si kale, haddii loo sheego, in aanay xaq u lahayn aqoonsiga. Haddaba, qormadan waxaa aan ku lafo-guraynaa madax-bannaanida K. Suudaan iyo sida ay ugu suurta-gashay hanashada aqoonsigu.

Dhanka kale, Somaliland waxaa ay la soo noqotay xornimadeedii 18 May 1991. Xilligaa oo dagaalo sokeeye ay ka socdeen Somaaliya, ma ay jirin xukuumad lagala xaajoodo. Samir dheer ka dib iyo markii laga quustay in aan waxba ka soo naasa caddayn Soomaliya, waxaa Somaaliland ka qabsoontay afti lagu ansaxinayay distuurkii dalka taaso 97% u codeeyeen goonni-isu-taagga 2001. Inkastoo goob-joogayaasha caalamku ay qireen in ay aftidu ku dhacday si nabdoon oo xor ah, haddana, waxaa lagu duray in aan laga la tashan Somaaliya iyo Urur Gobaleedka IGAD.

Haddaba, sida aan ku soo qeexnay qormooyinkii hore, tiir ka mid ah xeerka lagu halbeego dal madax-bannaan, waxaa uu yahay qoddobka “lahaanshaha soohdimo loo yaqaano dalka” (“uti possidetis juris (UPJ)”, Si gaar ah, soohdimaha dal leeyahay ee Qaaradda Afrika, waxaa lagu saleeyaa sidii gumaystahu uga tegay xilligii madax-bannaanida. Xeerkan waxaa uu aasaas u noqday Midowga Afrika (AU) iyo kii ka horreeyay ee Ururka Midnimada Afrika (OAU) tan iyo markii lagu ansaxiyay fadhigii kowaad ee OAU, Qaahira, Masar 1964, Sidoo kale, xeerka waxaa sii faahfaahisay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka iyadoo u adeegsatay gal-dacwadeekii dalalka Burkina Faso iyo Mali.

“Heshiiskii Montevideo, Xuquuqda iyo Waajibaadka Dawlad” ee 1933 ayaa isaguna xusaya 4 qoddob oo bud-dhig u ah dawlad xor ah: 1. xuduud suntan; 2. dad degaan ah; 3. xukuumadda shaqaynaysa; iyo 4. awood dawladdu heshiis kula geli karto dhiggeeda (dalal qalaad).
Sidaa awgeed, Koonfurta Sudan ma ay buuxin 3 ka mid ah 4ta qoddob ee aan soo sheegnay, halka Somaaliland ay ka buuxisay afartaba, welibana ay ku sii dartay nabad baahsan iyo dimuqraadiyad hana-qaad ah kuwaasoo saldhig u ah sii jiritaanka dawladeed. Balse, goonni-isu-taagga iyo aqoonsiga K. Sudan waxaa uu baalmarsanaa xeerka caalamka, mana ay jirin xuduud adduunka laga yaqaan oo gaar u ahayd.

Isla markaa, waxaa muran ka taagan yahay in ay buuxiyeen qoddobka “dadka” oo laga rabay in ay hayb, diin iyo dhaqan isku raaci karaan. Xuquuqda ay “dadku” u leeyahiin ka tashiga aayahooda siyaasadeed iyo dhaqaale ahaaneed, erayga “dadka” waxaa looga jeedaa koox dad ah oo wadaagta tilmaamo lagu hayb sooco sida isirka, luqada, diinta, sooyaalka, iyo hiddaha. Hase ahaatee, dadka K. Sudan waxaa ay ka soo kala jeedaan abtir aan isku DIR ahayn. Waxaana ay ku hadlaaan 60 luqadood oo kala baho ah. Dhinaca caqiidada, waxaa ay u badan yahiin cawaam aan diinba lahayn, iyo qaybo masiixi ah.

Waxaa kale oo u wehelisay Jabhadda SPLM dirirta in ay kula safnaayeen ciidamo iyo dalal shisheeye sida Ugandha taasoo iyana turunturro ku noqonaysa goonni-isu-taagga. Run ahaantii, K. Sudan ma ay hanateen ictiraafka haddii aanay ahayn taageeradii Ethiopia, Uganda, iyo Eritrea ee ku soo bilaabantay sannadahii 90aadkii taasoo la’aanteed SPLM aanay ka soo doogteen gulufkii colaadda ee Madaxweyne Cumar Al Bashiir-ka Sudan. Dalalka aan soo sheegnay waxaa ay ka kalmayn jireen dhinacyada tabobarrada, hubka, iyo magangelyada siyaasadeed iyo ciidameed.

Maraykanku, markii hore waxaa uu ka gows qabsaday nidaamka shuuciga ee jabhaddii SPLM ee John Garang, hase yeeshee, Ethiopia ayaa ku qancisay inuu taageero madax-bannanida iyo aqoonsiga K. Sudan. Haddii aanay ahayn taageerada laxaadka leh ee Ehiopia, ma ay haweysteen gooni-isu-taagga. Hay’adda Kaalmooyinka Maraykanka (USAID) ayaa sheegtay Ethiopia in ay “doorka ugu culus ka ciyaartay xasilloonida Geeska Afrika iyo Dagaalka Caalamku ee lidka ku ah Argagaxisada,” sidaana waxa ay ku mutaysatay mudnaantii ugu sarreysa (Prendergast iyo Thomas-Jenson 2007, 5).

Urur goboleedka IGAD, isaguna, waxaa uu u meelmariyay, markii danbena aad u muquuniyay, heshiiskii nabadeed ee lagu wada hadalsiiyay xukuumadda iyo Jabhadda SPLM. Waxaana taageeray dalal culus sida Maraykan. Heshiiska waxaa lagu ladhay in labada dhinaca ka wada xaajoodaan goonni-isu-taagga iyadoo aanay jirin sharciyad qiil loogu hayay.

Xukuumaddii Sudan ee ka gaabsatay soojeedimahaa waxaa ay ka dhalatay Kacdoonkii Xassan Al Turaabi (aabahii ruuxiga ahaa) iyo Cumar Al Bashiir (taliyahii ciidanka) ay ku afgebiyeen taliskii. Waxaana ay arrintaa qallafsan ku liqday markii ay isu kaashadeen dalalkii derisku. Waxaa intaa u weheliyay, nidaamka Islaamiga ee ay la soo ifbaxeen in laga badbaadinayay in lagu duudsiyo K. Sudan oo u badan cawaam aan diin lahayn iyo qaybo masiixi ah. Isla markaana, nidaamkaa cusub waxaa hangool farraar leh iskaga hayay dalalka Carbeed ee Waqooyiga Afrika sida Masar, Maqrib, Jasaa’ir iyo Liibiya oo iyaguna ka digtoonaa in uu saamayn ku yeesho dalalkooda. Sidaa darteed ayaa dalku go’doon u ahaa.

Garyaqaan caalami, Antonello Tancredi ayaa duray aqoonsiga K. Sudan, waxaana uu sheegay, sideedaba, sharciga caalamku in aanu si cad u diidin ama u taageerin goosashada dal. Balse waxaa laga eegaa kolba hannaanka ay qaado goosashadu. Waxaa uu qeexayaa sharcigu in uu dabro goosashada, haddii ay ka hor imanayso danaha guud ee bulshada kala guuraysa (Trancredi 2006, 189).

Si kale, haddii aan u dhigno, sharciga caalamku waxaa uu buriyaa goosashada marka ay halis ku tahay danta guud ee nidaam shaqaynaya oo ku dhisan wax qaybsi iyo xaqsoor. Garyaqaan Tancredi waxaa uu xusay saddex wadiiqo oo sharciga caalamku u maro jideynta ama ansixinta goosasho. Kow, in aan loo marin qori caaradii iyadoo la kaashanayo ciidamo iyo dawlado shisheeye. Labo, go’itaanka in ay taageeraan dadka ka soo jeeda degaanka go’aya. Iyo saddex, goosashadu in ay waafaqsan tahay mabda’a dal leh soohdimo loo yaqaannay, “uti possidetis’ (Ibid., 189–191).

Haddaba, go’itaanka Koonfurta Sudaan waxaa uu ka hor imanayaa shuruudahii sharciga caalamka mar haddii dalku aanu lahayn “soohdimo loo yaqaannay” (uti possidetis) sida ku qeexan heshiiska “Montevideo Convention”; sidaana aqoonsigu waxaa uu ku tumanayaa dabarkii dhammaan dalalka Afrika isku raacsanaayeen in lagu xakameeyo furfurka xuduudahii gumaystahu ka tegay.

Hase ahaatee, goosashada Somaaliland waxaa ay tahay mid ku fadhida sharciyadda caalamka. Sida la og yahay Somaaliland kama ay soo go’in nidaam dhisan, iska daa mid ku fadhiya cadaalad iyo sinnaan. Isla markaa, jabhadahii tuuray rijiimkii miletariga ee SNM, SPM iyo USC ma ay wehelin ama dabada kama ay riixayn ciidamo ama dawlado shisheeye. Sidoo kale, ku dhawaaqidda goonni-isu-taagga waxaa taageersanaa dhammaan beelaha Somaaliland sida ka muuqatay shirarkii hoggaamada dhaqan ee 1993 iyo 1997 iyo aftidii shacabku 97% ugu codeeyeen distuurka 2001. Ugu danbayntiina, go’itaanka Somaaliland waxaa uu xurmaynayaa mabda’a “dal leh soohdimo loo yaqaan” (uti possidetis) iyadoo ku qotonta soohdimahii uu uga tagay gumeystahii Britain 26kii June, 1960. Halka Somaaliyana loo yaqaanay xuduudahii uu uga tegay gumeystahii Talyaanigu. Sidaa ayaana dalkeennu ku buuxiyay shuruudahii uu soo qeexay Garyaqaan Tancredi.

Dooddan aannu kor ku soo tibaaxnay, waxaa ka sii culus marka aan aragtida sharciyeed ku salaynno dalkeennu in uu la soo noqday xornimadii uu ku biiriyay Somaaliya laguna soo dhisay Jamhuuriyadda Somaaliya tasoo iyadana aan loo dhammaystirin sharciyaddii midnimada.

Waxaa cad aqoonsiga K, Sudan inuu ku fadhiyo “Gardarro Garab Og”, halka aqoonsi la’aanta Somaalilandna ay ku qotonto (Gar Garab La’). Haddaba, maxaa ka khaldan Somaaliland? Si aan ugu warcelino, waxaa aan halka ku soo xiganaynaa idaacadda BBC, barnaamijka Madaxda Joogta (Resident Presidents) ee runta ku kaftama, kaasoo qayb ka ah Diiradda Afrika (Focus on Africa) oo toddobaadkan (21 December) shiishka saaray doorashadii Somaaliland ee 13ka Nov. Olushambles iyo Kibarkingmad waxaa ay yahiin magacyo lagu jilayo laba madaxweyne oo Afrikaan ah.

Olushambles, “waa kuma Muuse Biixi Cabdi”.
Kibarkingmad, “waa Madaxweynahii shanaad ee Somaaliland”.
Olushambles, “5taa madaxweyne ee aad sheegayso, midna kuma aan arkin ururka Midowga Afrika”. Kibarkingmad, “Somaaliland kama mid aha ururka Midowga Afrika (AU) oo laga ma aqoonsana. Shan jeer ayay qabtaan doorasho madaxweyne iyadoo marna aanu muran ka iman; dhiig ku daadan; si nabad ahna xilka loola kala wareegay. Weliba, waxaa ay suurtageliyeen, markii ugu horreysay (dunida), in ay doorashada u adeegsadaan nidaamka isha bu’deeda (IRIS), waxaan codeeyay 80% dadkii is qoray”.
Olushambles, “haddaan gartay waxa loo aqoonsan waayay. Waxaa ay ka duwan yahiin dawladaha Afrika ee jira. Yay is moodayaan inay yahiin? Muuse Biixi Cabdi haddii uu rabo dalkiisa in laga aqoonsado Midowga Afrika, ha xidhxidho mucaaradka, ha ku shubto dorashooyinka, ha dhigto baananka Switzerland dhowr bilyan oo uu ka soo dhacay dalkiisa, dadkiisana ha ku dilo macaluul”.
Reer magaalku kaftanka ayuu runta isugu gudbiyaa. Waxaana hubaal ah Qaaradda Afrika in ay sidaa ku socotay, in muddo ahna ku sii socon doonto. Waxaase xusid mudan, toddobaadkan, Yoweri Museveni, Madaxweynaha Uganda oo dalkiisa ka talinayay 31 sannadood, markii labaad barlamaanku inuu u ansaxiyay wax ka bedelka distuurka si looga tirtiro xakamaynta da’da oo u diidaysa in uu mar lixaad isu soo taago doorasha. Taas waxaa ka horreysay inuu 2005 distuurka ka tirtiray xadayntii mudada xilka.
Hase yeeshee, Somaaliland, aqoonsi iyo aqoonsi la’aanba, kama suurtowdo in dalka laga jideysto heer uu qofku ka qiimo badnaado dalka, waxaana sababay dhaqanka dadku u dhasheen iyo casharradii shacabku ka soo barteen burburkii laaga soo doogay, ilaa haddana derisku la baayeelayo. Iyagana Allah ha ka saaro.

La soco Qaybta 8aad, Qarda-jeexidda Marinka Aqoonsiga iyo Mudnaanta Dalalka Loo Marayo. Xassan Cumar Hoorri (Machadka Dimuqraadiyadda Geeska Africa – HID), Suxufi ka faallooda umuuraha Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh hassanhorri@gmail.com ama #horrimania.

COMMENTS
Latest News