Farmaajo Dab buu wuxu ku ciyaarayaa. (Farmajo is playing with fire) By: Ali Xaruuri
January 5, 2018 - Written by admin

Farmaajo Dab buu wuxu ku ciyaarayaa. (Farmajo is playing with fire)
By: Ali XaruuriFaragelinta iyo Xadgudubka Somaliya ee ku wajahayo Somaliland waa kuwii ugu darnaa tan iyo 1991. Mawqifka Xukuumadda Farmaajo waa mid xagal daacinaya wada-hadalladii Somaliland iyo Somaliya, waan mid halis ku ah dadaaladdii iyo fursaddahii lagu abuurayay jawi suurta geliya in heshiisyo waara lagu gaadho oo la noqdo 2 dal oo deris ah.
Afxumo colaad waxba kaagama tarto nabaddna way kaa kaxeysaa.
Gardarrada iyo Daandaansiga qaawan ee noocan ahi waa qaar keeni kara cawaaqib xumo oo dhaxal xumo ku reebi kara labada shacbi ee walaalaha ah.
Ficiladan isa soo tarayaa ee sheegashada hawada Somaliland iyo ku xadgudubka dhulkeedu waxay muujinayaa in Dawladda Xamar aanay doonayn wax wada xaajood ah oo aanay marnaba daacad ka ahayn wada hadalkii u socodday muddada dheer, haatanna ay isku dayeyso in ay minjo xaabiso heshiisyadii hore loo gaadhay.
Ujeeddada Farmaajo iyo wuxu uga dan leeyahay arrimahaasi “waa qiiq isku qarin” iyo inuu Shacbiga ka jeediyo xaqiiqada jirta, kadib markii uu ku fashilmay xilkii loo igmaday oo Dadweynihii ku hungoobeen. Ma aha markii uu tahli kari waayay inuu xal u helo arrimaha gudihiisa inuu bilaabo hawl-gallo qar iska xoornimo ah.
Cudurka kaa gala fardaha haddii laga gubo dameer dawada lama gaadhayee.
Maha in maamulka Muqdisho uu murrankii badda ee Kenya kala dhexeeyey ay u soo rarto hawada Somaliland. Somaliya waa in ay hurdada ka toostaa oo ogaataa in tallaabooyinka noocaasi ahi aanay meelna gaadhsiinayn.
Falaadhi gilgilasho kaagama go’ do
Somaliya waa in ay maanka ku haysaa in aan cidna sharci darro ku siin karin hawada Somaliland, Somalilandna aanay marna iyo sinaba u aqbali karin in hawadeeda la qaato, isla markaana u dulqaadan doonin in lagu soo xadgudbo ciiddeeda.
Somaliland Guul iyo Gobonimo
Qalinkii Cali Xaruuri
Holland

COMMENTS
Latest News