Jaaliyada reer Somaliland ee Belgium oo Gudoomiye cusub u doortey Sheekh Cabdiraxmaan Sahal
February 10, 2018 - Written by admin

 

Jaaliyada reer Somaliland ee dalka Belgium oo Kulan ay maanta ah ku yeesheen magaalada Brussels ee dalka Belgium u doortey Gudoomiye Sheekh  cabdiraxmaan Sahal, iyadoo uu goobjoogayaal ka ahaayen gudoomiyaashii hore ee jaaliyada Xusseen Barkhad Riyaale iyo Maxamed Cabdiraxman Jaaket.
Jaaliyada Reer Somaliland ee dalka Belgium oo ku Balansanaa maanta iney kala doortaan laba qof oo u tartemey jagada Gudoomiye ,ayaan wax tartan ah ka dhicin goobta kadib markii Gudoomiyaha Cusub ee jaaliyada aaney jirin wax isla sharaxa taasina ay keentey in Codkii Jaaliyada dhamaanteed uu sidaa ku hantiyey Gudoomiye Sheekh Cabdiraxmaan Sahal.
Gudida soo qabanqaabiyey Shirkan aan caadiga ahayn ayaa hadalada kala duwan oo dardaaran usoo jeediyey jaaliyada reer Somaliland ee shirka ku sugnaa,kana codsaday in Gudida Cusub ee gudoomiyuhu dooran doono la garab istaagaan  lana shaqeeyaan si ujeedada Jaaliyada loo sameeyay u noqoto mid laga midha dhaliyo, bulshaduna dhamaanteed muujiso isku duubnaana iyo wada jir.

Gudoomiyaha Cusub ee jaaliyada reer Somaliland oo dhagaystey dardaaranka iyo talooyinka jaaliyada usoo jeediyeen ayaa ugu danbayn goobta ka hadley balanqaadeyna inuu si daacad ku jirto ugu shaqayn doono aanu markasta mudnaanta siin doono sidii uu u ilaalin laha wada jirka jaaliyada, iskuna dayi doooni inuu ka shaqeeyo sidii uu u baabin lahaa raadkii ay doorashadii wadanaka Sonaliland ka dhacdey ku reebtay bulshada Somaliland.
Gudoomiye cabdiraxmaan ugu danbeyn wuxuu sheegay inuu la tashi la samayn doono jaaliyada ,isla markaana uu soo magacaabi doono Gudidii la shaqayn lahaa ee iyo Gudoomiye kuxigeenkiisa, si hawsha si dhakhso ah loo dardar galiyo.

 

20180210_17121320180210_16325620180210_16261120180210_16251420180210_17132120180210_171209

 

Gabileynews desk

Brussels

COMMENTS
Latest News