Mareykanka, Ingiriiska Iyo Faransiiska Oo Duqeyn Wadajir Ah Ku Qaaday Suuriya
April 14, 2018 - Written by admin

Mareykanka Britain iyo Faransiiska ayaa duqeyn wadajir ah ku qaaday gudaha Suuriya, kaasoo ay kaga jawaabayaan sunta kiimikada ee la sheegay in dowladda Suuriya ay adeegsatay.
Qaraxyo aad u waa weyn iyo duqeymo ayaa laga maqlay caasimadda Dimishiq iyo goobo ku dhow dhow magaalada Xumus.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa war qoraal ah oo uu soos aaray ku sheegay weerarka ay wadajir u fuliyeen Mareykanka iyo xulufadiisa.
Waxaa uu sheegay in Mareykanka iyo xulufadiisa ay u diyaar garoobeen tallaabooyin ka dhan ah dowladda Suuriya, si loo joojiyo adeegsiga hubka kiimikada.
Ra’iisul Wasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay in weerarada ay ka fuliyeen Suuriya ay ahaayeen kuwo qorsheysan oo loogu tala galay in aysan xiisada gobolka sii hurin, isla markaana la iska ilaaliyay wax walba oo waxyeeleyn kara dadka rayidka.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa isna sheegay in weeraradan ay ahaayeen kuwo looga hortagayo in dowladda Suuriya aysan adeegsan Hubka kiimimada.
Ruushka ayaa horay ugu hanjabay inuu ka hortagayo gantaalada Mareykanka uu ku soo ridayo gudaha Suuriya, waxaana taas ay sii xoojisay xiisadaha iyo hanjabaadaha labada dal ka soo yeerayay dhowrkii todobaad ee u dambeeyay.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii diyaaradaha dagaalka Suuriya ay hubka kiimikada ku garaaceen magaalada Douma, waxaana ka dhashay in carruur badan ay ku neef qabatoobaan, kuwa kalena ku dhintaan.

COMMENTS
Latest News