Somaliland: Saddex Sarkaal oo Ciidanka Ilaalada Xeebaha Ka Tirsan iyo Qof…
April 14, 2018 - Written by admin

Saddex sarkaal oo ka tirsan ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ayaa ku geeriyooday shil gaadhi oo ka dhacay duleedka tuulada Xamaas ee u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera.

Sida ay wararku sheegayaan gaadhiga ay  saraakiishani ayaa ay isku dhaceen gaadhi kale oo ay leedahay sherkadda socdaalka bari iyo galbeed, waxaana ay wararku intaas ku darayaan in dhaawac badani jiro.

Geesta kale nin lagu magacaabo Cabdifataax Maxamuud Cismaan, ayaa ku geeriyooday Haan shidaal oo ay leedahay Kaalinta Cali Baarjeex ee magaalada Hargeysa, waxaana uu doonayay inuu sifeeyo haantaas oo dhulka ku aasnayd.

COMMENTS
Latest News